Home Wararka Somaliya Galmudug Cumar Maxamed Ismaaciil oo katirsanaa Alshabaab kana Howlgalay Gaalkacyo oo Arimo layaab...

Cumar Maxamed Ismaaciil oo katirsanaa Alshabaab kana Howlgalay Gaalkacyo oo Arimo layaab leh soo Bandhigay Xili Gacanta lagu Dhigay

0

Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Hay’addaha Nabad Sugidda ee maamulkaasi ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba ku qabtay sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninka la qabtay oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Ismaacii, magaciisa afgarashadana uu yahay (Nuur) ayaa la qabtay, xilli uu usoo dhoofayay magaalada Muqdisho.

Cumar ayaa qirtay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, wuxuuna bixiyay wareysi muuqaal ah oo uu ku sheegay inuu yahay 40 jir, ku noolaa Gaalkacyo, kadibna usoo wareegay Xamar.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in kahor inta uusan ku biirin kooxda Al-Shabaab uu ahaa Macallin Oline-ka Qur’aanka ku bara dad qurbe-joog ah, sida ku caddeeyay wareysiga.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Al-Shabaab uu tashkiiliyay ninay qaraabo yihiin, sidaas uu ku aaday degmada Jilib oo uu ku soo qaatay tababar muddo soconayay.

Xamar waxaa ka ahaa Macallin dad qurbe-joog ah ayaa Oline-ka Qur’aanka uga dhigayay aniga oo sidii u jooga waxaa ila soo hadlay nin aan qaraabo nahay oo nimankaa Shabaabka ah ninkaas oo la yiraahdo Maxamed Xasan, kadibna waxaan tegay Jilib” ayuu yiri Cumar.

40 jirkan ayaa sidoo kale xusay in tababarka uu usoo xiray Mahad Karataay oo kamid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, kadibna ay sameeyeen dhoolatus wyen

“Marka uu tababarka noo dhammaaday waxaa naloo qaybiyay tuute, meesha waxaan ku galnay dhoolatus, tababarkaas waxaa loogu magac daray Xasan Barsane, waxaana noo soo xiray Mahad Karataay” ayuu mar kale wareysiga laga qaaday ku yiri Cumar Maxamed.

Cumar Maxamed Ismaaciil ooAl-Shabaab looga dhex yaqaano Nuur ayaa sidoo kale ka sheekeeyay qaabka loo qabtay, wuxuuna tilmaamay in loo soo gooyay tikid, isla-markaana gacanta laga dhigay isaga oo doonayay inuu diyaarad kasoo raaco magaalada Baydhaba.

“Waxaa markii dambe naloo soo qaaday magaalada la yiraahdo Iidaale halkaas ayaan aniga uag soo kacay markan halkaan imid diyaarad tikidkeedii baa la’iisoo diray aniga oo rabab inaan garoonka ka baxo ayaa waxaa i qabtay ciidamada Koonfur Galbeed” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn waxa uu ka dalbaday Koonfur Galbeed in cafis u fidiso, wuxuuna sheegay inuu khaldamay, isla-markaana uusan gaysan wax dhibaato ah.

” Waxaan codsanayaa maadaama aanqof  Soomaaliyeed dhibaato u gaysan taliska Nabad Sugidda Koonfur Galbeed waxaan ka codsanayaa cafis, maadaama aan khalday” ayuu yiri.

Horay Koonfur Galbeed ayaa sidaan oo kale garoonka Baydhaba ugu qabatay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo doonayay inay kasoo dhoofaan garoonka magaaladaasi.

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo kormeeray Goobaha laga Sugo Amaanka Muqdisho(Sawiro)
Next articleCiidamo Hor leh uu ku biiraaya Dagaalka ka Dhanka ah Alshaab oo Tababar loosoo Xiray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here