Home Wararka Somaliya Hirshabeelle 14 askari iyo Sarkaal Shabaab ah oo Lagu dilay Hiiraan

14 askari iyo Sarkaal Shabaab ah oo Lagu dilay Hiiraan

0

Ugu yaraan 14 ka tirsan Alshabaab oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabo Maxamed Weheliye Waasuge, ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamada Soomaaliya ka sameeyeen agagaarka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida uu warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka, howgalka ayaa intii uu socday waxay ciidamada dowladda kusoo furteen hub iyo rasaas badan

Warar aan helnay waxay sheegayaan in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay caawin ka heleen weerar duqayn ah oo uu Maraykanku uu ku dilay 13 xubnood oo ka tirsan Shabaabka ku sugan Hiiraan.

Waa duqayntii afaraad oo Maraykanku uu ka geysto Soomaaliya muddo maalmo ah gudaheed. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan duqeyntan.

Maraykanku duqayntii hore wuxuu sheegay inuu ku dilay afar xubnood oo katirsan ururka Alshabaab.

Tan iyo markii Alshabaab weerareen Itoobiya, Maraykanka waxa uu kordhiyay dhaqdhaqaaqyadiisa milatari ee ka dhanka ah Alshabaab. Gaar ahaan gobolka Hiiraan, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay shabaab ka wadeen dhaqdhaqaaq xoog leh.

Ad
Previous articleALSHBAAB oo jawaab aysan Filaan ah kala Kulantay guryo iyo ceelal ay qarxiyeen
Next articleDuqa magaalada Boosaaso & Kuxigeenkiisa oo Khilaaf Xoogan Soo kala Dhexgalay Salkana ku haaya Arin yaab leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here