Home Wararka Maanta 5 Jeer oo Ra’iisul wasaare Xamse salaanta ka qaadi waayay dumar ay...

5 Jeer oo Ra’iisul wasaare Xamse salaanta ka qaadi waayay dumar ay Diblumaasiyiin reer galbeed ah ku jiraan

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hadal hayn ka dhalliyay baraha bulshada Soomaalida, kadib muuqaal la baahiyay isaga oo aan salaanta ka qaadayn ergayga Qaramada Midoobeey u joogta dalka Soomaaliya, Catriona Laing.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore gacan qaadaya safiirka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya ahna hoggaanka ciidamada ATMIS Souef Mohamed El-Amine oo u dhashay dalka Comoros, sidoo kalana ah muslim, kadibna waxaa gacanta u soo taageysa matwo Laing, ra’iisul wasaaraha ayaana gacanta ku xajisanaya laabta, isaga oo dhoollacadeynaya.

Dadka qaar ayaa ku fasiray dareenka waji ee ay muujisay Laing mid niyad jabi ka muuqdo. Qaarkood ayaana ku dhaliilay o’aanka, halka kuwa kalana ay ku taageereen ku dhaqanka diinta.

Dadka muslinka ah qaarkood ayaan gacan qaadin haweenka aan xaasaskooda ahayn, iyaga oo aaminsan in ay danbi tahay taabashada haweenka aan u dhixin.

Haddaba halkaan waxaan kusoo qaadaynaa dhacdooyin kale oo muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo aan salaamayn dumarka yimaada meelaha uusoo booqdo ama garoomada kusoo dhaweeya, ee Soomaalida iyo ajnabiga intaba.

Haddaba halkaan waxaan kusoo qaadaynaa dhacdooyin kale oo muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo aan salaamayn dumarka yimaada meelaha uusoo booqdo ama garoomada kusoo dhaweeya, ee Soomaalida iyo ajnabiga intaba.

24, Agoosto 2023 Muqdisho, Sawir muujinaya Ra’iisul Wasaaraha oo aan gacanta ku salaamayn diblumaasiyad u dhalatay dalka ku Turkiga oo ku sugan Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom mar uu tababar usoo xidhaayay saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya kuwooda ay Turkigu tababaraan.

30, November 2023, Afmadow, booqasho uu ku teggay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose xilli uu wax ka ogaanaayay xaaladaha bini’aadantinimo ee halkaas ka jirtay kana dhalatay roobabkii daadadka watay ee saamaynta baaxadda leh ku yeeshay deegaanka ayaa sawirkaan muujinayaa haween soodhaweynaya Ra’iisul Wasaaraha oo uusan gacan qaadayn balse laabta ka salaamaayo.

Safaradaan Ra’iisul Wasaaraha uu galo oo dadka badan ee soodhaweeya ay ka midyahiin dumarku ayaan inta badan la arag isagoo gacanta si caadi ah ugu salaamaya dumarka.

Arrintaan oo ka falceliyaay gacan qaad la’aanta haweenka ee ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in tani tahay “Siyaasadda Jannadoonimada ee Ra”iisul Wasaare Xamse” iyaga oo xiganaya hadal hadda ka hor uu Ra’iisul wasaarahu warbaahinta ka yidhi isaga oo warraysi bixinaya hadalkaas oo ahaa “goolkaan leeyahay waxaa weeye: siyaasadda in aan janno ku galaan rabaa”.

10, October 2022, Ra’iisul Wasaare Xamse oo sidoo kale laabta ka salaamaya dumar saf ugu jiray oo u sacbinaya kuna soo dhaweeyay xarunta gobolka Benaadir ee magaalada Muqdisho, xilii uu kormeer shaqo ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha ka socda.

Sawirka waxaa ku weheliya guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Madaale.

Sawirkan u danbeeyay oo ah midka hadalhaynta ka dhalliyay ayay muujinaya Ergayga Qaramada Midoobay u joogta Soomaaliya oo inta gacanta usoo taagatay Ra’iisul Wasaaraha uu keliya laabta isna ka salaamaayo.

Muuqaal baraha bulshada ku baahay ayaana muujinaya darenka waji ee Catriona Laing.

Mar uu ka hadlayay goob fageere ah, ayuu ra’iisul wasaare Xamse sheegay in uu yahay nin ku wanaagsan diinta Islaamka, sidoo kalana ah xaafid Quraanka Kariimka.

Ad
Previous articleDagaal Qaraar oo Maantay Markale Kasoconaaya Itoobiya
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Taliyaha Booliska Muqdisho oo go’aan adag ka soo saaray wixii maanta dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here