Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Mareykanka ka billaabay olole ka dhan ah cunaqabateynta hubka

Xasan Sheekh oo Mareykanka ka billaabay olole ka dhan ah cunaqabateynta hubka

0

Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay soo gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

“Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxtooyada ayaa intiaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sidoo kale la kulmi doono madaxda Hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo uu weydiisan doono taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo ‘gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.’

Ad
Previous articleWiilka Madaxweynaha Mareykanka oo lagu wado inuu qirto dambiyo lagu soo eedeeyay
Next articleDad Lagu laayay Duleedka Magaalada Gaalkacyo iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here