Home Wararka maanta Munaasabad-lagu-taageerayo-dhismaha-maamulka-G-dhexe-oo-lagu-qabtay-Sacuudiga

Munaasabad-lagu-taageerayo-dhismaha-maamulka-G-dhexe-oo-lagu-qabtay-Sacuudiga

0

Munaasabad balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda kasoo jeeda Gobolada dhexe ee Somaliya ee ku nool dalka Sucuudiga ayaa lagu qabtay Hotelka al-cadaas ee Magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga.

Munaasabadaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay aqoonyahano culuma’udiin, waxgarad, dhalinyaro, Siyaasiyiin Madaxbanaan & marti sharaf kale oo halkaasi lagu marti qaaday, Waxaana Xafladaasi lagu soo hadal qaaday Sidii loo meel marin lahaa howlaha dib u heshiisiinta Bulsho Weyntakasoo jeeda Gobolkaasi isla markaana ay u heli lahaayeen Hogaan hormuud ka noqda Maamulka cusub ee Gobolada dhexe loo Sameynayo.

Ugu horeyntii Munaasabada ayaa waxa lagu furay aayadaha quraanka kariimka ah ee qoolkii eebe waxaana intaa kadib laguda galay Munaasabada iyadoo halkaasi Waxgarad, aqoonyahano & Siyaasiyiin si weyn ulafagureen Sidii Bulshaweynta ku nool gobolada dhexe ay u heli lahaayeen Maamul Cadaalad ah oo daacad ugu shaqeeya dadka dega gobolada dhexe.

Wax garadkan ayaa Sidoo kale Sheegay iney iyagu Codsanayaan isla markaana Madaxda dalka ugu baaqayaan in halkii Gobol kasta uu yeelan lahaa Madaxweyne lagu yeero Hogaamiye Taasoo ay tilmaameen iney yareyn karto isla markaana xal u noqon karto isqab qabsiga fara badan ee ka jira maamul goboleed yada dalka ka jira.

Siyaasiga Caanka ah Mudane C/laahi Raage Xuseen oo soo Xeray Munaasabadaasi ayaa Carabka ku dhuftay iney lagama maarmaan tahay in qadariyo Rabitaanka Shacab Weynaha dega Gobolada dhexe waxaana u mahadceliyey dadweynaha goboladaas uu sheegay iney har & habeen dadaal ugu jiraan horumarinta deegaanada gobolada dhexe.

“Marhadii dalka madaxweyne Leeyahay Waxaa habeen in Maamul goboleedyada Madaxdooda loogu yeero hogaamiye halka Golaha Baarlamankoodana ay ku haboontahay in laga dhigo golo deegaan” ayuu yiri Mudane Ex Xildhibaan C/laahi Raage Xuseen.
Hadaba Munaasabadaas ayaa waxaa ay kusoo gabagabowday Jawigii loogu tala galay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here