Home Wararka Maanta Masuulkii Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir ee Lasheegay inuu Alshabaab u goostay...

Masuulkii Ka Tirsanaa Maamulka Gobalka Banaadir ee Lasheegay inuu Alshabaab u goostay oo Saxaafada Lahadlay war layaab lehna sheegay

0

Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Arimaha Bulshada Degmada Xamarweyne iyo Dagmada Hodan oo Xalay ay baahisay cod laga Duubay idaacada ku Hadasha Afka Alshabaab kaas oo uu ku sheegay inuu U goostay deeganada Alshabaab  ayaa Goordhow Muuqaal soo Duubay.

Abuukar Salaad oo tan 2014kii Ushaqaynayay Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow Shaaciyay in Waraysigii Xalay Alshabaab Baahiyeen uu ahaa Cod Hore oo laga Duubay  november 2021  Xili uu Sheegay in Alshabaab ku afduubteen Gudaha Magaalada Muqdisho islamarkaasna ay Baabur ku qaateen indhahana ay ka xireen ay geeyeen Qol jiingad ah wuxuuna sheegay inay ka codsadeen inuu La shaqeeyo balse uu diiday.

Gudoomiye Abuukar ayaana Sheegay inay Qol ku Xireen in kabdan Halsaac kadibna ay ku qasbeen inuu Cod siiyo Idaacad ku Hadasha afka alshabaab Abuukar ayaana Sheegay inuu naftiisa ku badbaadsanaayay Asagoona Aqbaly inuu Waraysi siiyo Idaacada Alshabaab.

Abuukar ayaa sidoo kale Sheegay inuu Alshabaab Dartood uu dalka Koonfurta Sudaan uga cararay Bishii 12naad sanadka 2021 Kaas oo sheegay inuu Halsano Halkaas ku maqnaa Waxuu kaloo Sheegay inuu usoo laabtay Abbihiis oo xanuunsan.

intaas kadib Abuukar ayaa Sheegay inay Alshabaab Markale lasoo xariireen kana codsadeen inuu la shqeeyo Balse abuukar ayaa Sheegay inuu Diiday isla markaasna Alshabaab ugu Hanjabeen Dil.

intaas kadib Abuukar ayaa sheegay in Alshabaab inay Xalay Soo Daayeen Waraysigii Xiligaas ay ka duubeeen. Wuxuuna Sheegay inay Alshabaab Rabaan inay kaarka Dowlada Ka Gubaan wuxuuna Sheegay inuu Diyaar u yahay inuu Tago xafiisyada Dowlada Si Baaritaan Loogu Sameeyo.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay inay Xiriir La Leedahay IRAN
Next articleWaa kuwee dalalka oggol in la gubo kitaabka Qur’aanka ah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here