Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Sarkaal sare oo ku dhintay iska hor-imaadkii Doolow Xili...

Wararkii ugu Danbeeyey Sarkaal sare oo ku dhintay iska hor-imaadkii Doolow Xili Maxkamadayn Ka Socotay Magaaladaas

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor-imaad maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida ay ogaatay Mudug24, iska hor-imaadka maanta ka dhacay halkaasi ayaa waxa uu salka ku haya laba kiis oo ka kala dhacay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow.

Iska hor-imaadkan oo yimid kadib markii maleeshiyaad beeleed ka war heleen in mid kamid ah labada kiis la rabo in loo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo halkaasi ku sugna, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkan uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, illaa haddana waxaa la xaqiijiyay in shaqaaqadan uu ku dhintay Taliyihii Amniga Garoonka Doolow Maxamed Xuseen Cabdullaahi (Ganey).

Taliyaha NISA ee Gedo oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan iyo qof kale, isaga oo sheegay in uu jiro dhaawac gaaraya illaa 10 qof oo isugu jira askar iyo shacab uu ka dhashay iska hor-imaadka maanta.

“Ciidamada Gorgor ayaa diyaarad u timid, kuwaasi oo dib looga celinayay gobolka si ay safarkooda usii wataan, ninka maxbuuska ahna ciidankaas ayaa hayay. Dad is abaabulay oo shacab ah ayaa yidhi ninkii baa la qaadaya oo garoonka laga dhoofinaya aan is hortaagno oo yaan la qaadin, sidaas ayuu ku dhacay dagaalka aad maqasheen,” ayuu yiri Jeneraal Jamaal Xasan.

“Aniga dhaawac (askar Itoobiyaan ah) ooo goobta jooga waan huba, dhimasho laba ayaa huba iyo dhaawac dhinacyadii dagaalamay, iyo weliba dad shacab ah oo xabadihii la isku ridayay ay ku haleeleen meelo kala duwan.”

Waxaa magaalada Doolow ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo markii hore halkaasi u tagay si uu u dhagaysto maxkamadaha labada kiis.

Ninkan ay xiisaddu ka dhalatay ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalka baaritaanka waday markii uu dhimanayey la-tuhunsane rayid ah oo loo heystay kiiska Taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Aweys oo 18-kii bishaan magaalada Beled-Xaawo qarax lagu dilay.

Waxaa la sheegay inay socdeen dadaal la doonayey in sarkaalkaas loogu soo wareejiyo Muqdisho isla maanta, hase yeeshee ay maleeshiyaad soo weerareen garoonka, kadib markii ay ka war heleen arrintaas.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH:Dagaal ka Dhacay magaalada Muqdisho iyo Gudoomiye Degmo oo ku Dhaawacmay
Next articleXiisada Ka Taagan Magaalo Xeebeedka Baraawe maxay Salka Ku Haysaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here