Home Wararka Maanta Somaliland “waa in Ciidamada Puntland ay ka baxaan Laascaanood”

Somaliland “waa in Ciidamada Puntland ay ka baxaan Laascaanood”

0

Somaliland ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay ku sheegtay in ciidamo ka tirsan Puntalnd iyo kuwo ka tirsan dagaal yahannada al-shabaab oo qaab qabiil loo abaabulay ay qayb ka yihiin dagaalka Laascaanood.

Qoraalka war saxaafadeedka ee Somaliland oo looga jawaabayay bayaan kasoo baxay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa lagu yiri “Caqabadda ugu weyn ee nabadda iyo xasiloonida Laascaanood hortaagan ayaa ah ciidamo maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo iyagu si firfircoon u hurinaya colaadda. Waxaa muuqata in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay sidoo kale qaab qabiil u adeegsadaan dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Laascaanood.”

Sisoo kale Somaliland ayaa sheegtay in sida kaliya ee lagu xallin karo colaadda Laascaanood ay tahay in ciidamada Puntland laga saaro Laascaanood “Sida kaliya ee lagu xalin karo colaada Laascaanood ayaa ah ka bixitaanka ciidamada Puntland ee Laascaanood. Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay taageeraan billowga dadaallada nabada.”

Ad
Previous articleSida lagu helay askarta Uganda ee lixda maalin ka dhuumanayay Al-Shabaab iyaga oo kaadidooda cabaya
Next articleDhimasho iyo dhaawac ka dhashay masaajid qarax lagu weeraray xilli lagu jiray salaad janaaso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here