Home Wararka Maanta Shiikh Shariif,Gaas, Xasan Cali Khayre iyo Madax kale oo Ka Hortimid Go,aanadii...

Shiikh Shariif,Gaas, Xasan Cali Khayre iyo Madax kale oo Ka Hortimid Go,aanadii Golaha Wadatashi Qaran

0

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen Madaxweynayaal hore, Ra’isul Wasaarayaal iyo siyaasiyiin caan ah ayey kaga hor yimaadeen go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in shirkii golaha Wadatashiga Qaran uu ahaa mid aysan u dhameyn madaxda maamul goboleedyada, waxa ayna xuseen in go’aannadii shirkaasi kasoo baxay khatar gelin karo midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Warka ay soo saareen siyaasiyiintan ayey ugu baaqeen madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ee shirka ka qeyb galay in go’aannada masiiriga ee la gaarayo laga qeyb geliyo dhammaan dowlad goboleedyada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Waxa ay sidoo kale sheegeen madaxdan hore ee warka soo saaray in qaar kamid ah qodobadii kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed.

Ad
Previous articleRaysulwaasaare Xamza oo Ka Hadlay in Raysulwasaare Meesha Laga Saaro Sida Lagu Heshiiyay go,aankii Golaha wadatashi Qaran
Next articleMuxuu macallin Mauricio Pochettino ka beddeli karaa kooxda ay musiibadu ku dhacday ee chelsea?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here