Home Wararka Maanta Madaxweyne Ku xigeenka galmudug oo Caawa Shir Gudoomiyaja Shirka Golaha Wasiirada Galmudug...

Madaxweyne Ku xigeenka galmudug oo Caawa Shir Gudoomiyaja Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo cadaado ka dhacay (Sawiro)

0

Kulanka Golaha wasiiradda oo ku saabsanaa isbuucan dardargelinta howlaha xukuumadda,
ayaa warbixin looga dhagaystay wasaarada dhowr ah sida:Maaliyadda, Caafimaadka,Howlaha Guud,Warfaafinta, Arrimaha Gudaha,Cadaaladda, Gaadiidka,Xanaanada Xoolaha,Boostada &Isgaarsiinta, Dhalllinyarada iyo Gadiidka.

Kulanka waxa lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo wasaaradda caafimaadka
ka gacansiiya baahinta tallaalka civid-19 iyadoona la amray in gaadiidka dowladdu iney ka qeybqataan Gaarsinta talalka Covid19 guud ahaan deegaanada xorta ah ee Galmudug,

Sidoo kale Golaha wasiiradda ayaa boggaadiyey wasaaradda amniga iyo ciidamada badda Galmudug oo gacanta kusoo dhigay Dooni si-sharci daro ah uga kalumaysanaysay xeebaha gobolka Mudug.

Ugu danbeyn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ayaa faray dhammaan wasaaradaha inay dardargeliyaan adeegga ay bulshada u hayaan.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay in Farmaajo uu Ergo udiray dani iyo Axmed Madoobe
Next articlePuntland oo ku Hanjabtay inay ka Go’ayso Soomaaliya Hadii Lagu Heshiin waayo Doorashada dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here