Home Wararka Maanta Kooxda kubadda cagta Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddigii Xulka Argenti ee...

Kooxda kubadda cagta Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Xiddigii Xulka Argenti ee Wadanka Qatarna Ka Caawiyey Guushii Koobka Adduunka

0

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalab xambaarsan €130 milyan oo Gini u gudbisay kooxda reer Portugal ee Benfica oo ay ka doonayso mishiinkii khadka dhexe ee Argentina ka caawiyey inay ku guuleystaan Koobka Adduunka toddobaadkii hore.

Chelsea ayaa la sheegay in ay dalabkeeda oo rasmi ah gaadhsiisay Benfica oo ay ka doonayso Enzo Fernandez oo ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa da’yartii Koobka Adduunka ka qayb-gashay.

Fernandez oo ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa Koobka Adduunka ayay kooxo badan oo reer Yurub ah danaynayaan, waxaanay Blues go’aansatay inay bisha January isku daydo saxeexiisa.

21 jirkan ayaa qandaraaskiisa Benfica lagu burburin karayaa £105 milyan oo Gini, hase yeeshee Chelsea ayaa si ay degdeg ugu soo afjarto saxeexa laacibkan waxay bixinaysaa £115 milyan oo Gini oo u dhiganta €130 milyan oo Euro.

Wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal ayaa xaqiijiyey in Benfica uu gaadhay dalabka Chelsea oo maalmo ka hor la gudbiyey, waxaanay Benfica hadda naaqishaysaa dalabka lacagta badan xambaarsan oo Enzo Fernandez ka dhigi doona ciyaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda horyaalka Premier League oo uu haystay Jack Grealish oo ay Man City £100 milyan oo Gini kaga iibsatay Aston Villa.

Chelsea ayaa dalabkeeda gudbisay markii ay ogaatay in ay Newcastle United diyaar u tahay inay dalab lacag badan xambaarsan ka gudbiso Enzo Fernandez oo sidoo kalena ay xiisaynayso Liverpool, balse Newcaslte United ayaa la rumaysan yahay in marnaba aanay gaadhi karayn lacagta ay Chelsea miiska saartay.

Tababare Graham Potter ayaa go’aansaday in kooxdiisu ay khadka dhexe iska dhisto suuqa January maadaama uu dhaawac ku maqan yahay N’Golo Kante oo illaa bisha February maqnaanaya isaga oo waliba inta badan xilli ciyaareedkan jiifay.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Goordhow ansixiyay miisaaniyad sanadka 2023
Next articleDowlada Somaliya oo ka hadashey Shirkad Shidaal baaris ka sameeneysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here