Home Wararka caalamka DEG DEG: Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo caawa magacaabay 20 Wasiiro (Aqriso magacyada)

DEG DEG: Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo caawa magacaabay 20 Wasiiro (Aqriso magacyada)

0

 Ra’iisal Wasaaraa Xukuumadda Federalka Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu caawa magacaabay 20 Wasiiro oo kaliya, iyadoo uu sheegay inuu dib ka soo magacaabi doono Wasiir Ku Xigeenada iyo Wasiiru Dowla-yaasha.

 

 

Wasiirada caawa la magacaabay, ayaa waxay dhammaantood yihiin kuwo cusub, inkastoo xubno horey kaga soo muuqday Xukuumaddihii hore ay tiro ka mid ah ku jirto.

 

 

Arrinta xiisaha leh, ayaa waxay tahay iyadoo ay meesha ka maqan yihiin afartii xubnood, ee ay sida weyn kaga biyo diidanaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

 

 

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, ayaa sheegay in uu soo magacaabi doono Wasiiradiisa kale, kolka Wasiirada uu caawa magacaabay, ay Baarlamaanka ka helaan codka kalsoonida.

Wasiirada8

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here