Home Wararka Maanta Nin dilay haween badan oo da’ ahaa oo asna xabsiga lagu dilay

Nin dilay haween badan oo da’ ahaa oo asna xabsiga lagu dilay

0

Gacan ku dhiigle caan ka ahaa dalka Kenya oo labo xukun oo xabsi daa’in ah ku qaadanayay dalka Mareykanka, kaddib markii uu dilay labo dumar ah oo da’ ahaa ayaa waxaa dilay saaxiibkiis.

Saraakiisha xabsiga ayaa subaxnimadii Talaadada ka helay Billy Chemirmir oo 50 jir ahaa isagoo meyd ah qolkiisa oo ku yaal xabsiga Coffield Unit ee Texas.

Waaxda cadaalada ee Texas ayaa sheegtay in Chemirmir la dilay habeenimadii Isniinta.

Maxkamad ku taal dalka Mareykanka ayaa Chemirmir ku xukuntay xabsi daa’in sanadkii 2022-ka, kadib markii lagu helay inuu dilay Lu Thi Harris oo 81 jir ahayd iyo Mary Brooks oo iyana 87 jir ahayd.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu 20 qof oo kale oo waayeel ah ku dilay waqooyiga Texas muddo laba sano ah.

Maamulka ayaa sheegay in Chemirmir uu iska dhigay daryeele ama shaqaale si uu u galo guryaha dadka lagu daryeelo.

Haweenka da’da ah ee xarumahaasi ku sugnaa ayuu si gaar ah u beegsaday, isagoo inta badan ka dhici jiray waxyaabaha qaaliga ah sida dahabka ka hor inta uusan dilin.

Chemirmir ayaa la xiray bishii Maarso 2018, ka dib markii haweeney 91 jir ah oo uu weeraray guri ay daganeed ay ku wargelisay mas’uuliyiinta deegaanka.

Ad
Previous articleAskar Dhacaysay Shacabka Muqdisho oo Gacanta Lagu Soo Dhigay(Sawiro)
Next articleGudoomiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oonXasan Shiikh kulan kula Qaatay Madaxtooyada Galmudug Maxay kawada Hadleen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here