Home Wararka Somaliya Galmudug Wararka dheeraadka ah ee laga helayo dadkii iyo dayaaraddii ay Al Shabaab...

Wararka dheeraadka ah ee laga helayo dadkii iyo dayaaraddii ay Al Shabaab gacanta ku dhigeen

0

Wali waxaan xog dhameystiran laga helin diyaaradda nuuca qumaatiga u kacda ee shalay u gacan gashay ururka Al Shabaab, taas oo sida la sheegay cillad ku timid darteed caga dhigatay goob ay ku sugan yihiin ururka al Shabaab, ayadoo xilligaas ka soo kicitintay magaalada Beledweyen, kuna sii jeedday deegaanka Wisil.

Balse xogo hoose oo ay BBCdu ka helayso Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in guud ahaan tirada dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen sagaal ruux.

Xogtan ayaa tibaaxaysa in dadka diyaaradda saarnaa ay kala ahaayeen Askari Soomaali ah, kalkaaliso Yuugaaandhays ah, dhaqtar Masaari ah, laba ruux oo u dhashay dalka Kenya iyo afar ruux oo ahaa shaqaalaha diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ay dishay dhaqtarka masaarida ah, halka askariga Soomaaliga ah iyo kalkaalisada Yugaandhayska ah ay ka baxsadeen goobta. Lixda qof ee ay gacanta ku dhigeen al Shabaab ayaa lagu sheegay laba ruux oo u dhalatay Kenya oo kala ah rag iyo haween iyo afarta ruux ee u dhashay Ukraine.

Xiriir aan la sameynayay dawlad goboladkeeda Galmudug waxa ay sheegeen in ilaa iyo haatan aan wax war ah laga hayn labada qof ee baxsaday oo aysan soo gaarin deegaannada ay ka arrimayaan.

Laakinse wasiirka warfaafinta ee dawladda federaalka Daa’uud Aweys ayaa wakaaladda Reuetrs u sheegay in dhinacooda ay wadaan dadaal lagu soo furanayo dadka gacanta ugu jira Al Shabaab.

Diyaaradda oo la sheegay in ay ku diiwaan gashaneyd lambarka UNSOW RW 667 ayaa xogtaan lagu sheegay in ay si degdeg ah ugu degtay meel u dhaw deegaanka Gadoon oo lagu magacaabo Xaaboow, taas oo 70 kiilo mitir u jirta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, kadib markii shay uu ku dhacay mid kamid ah baalasha diyaaradda helicopter ka ah. Maalinimadii arbacada markii ay saacaddu ahayd 01:30 pm xilliga Soomaaliya ayaa la sheegay in diyaaradaan ay caga dhigatay.

Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in guud ahaan dadkii saarnaa diyaaradda aysan ahayn shaqaale iyaga u shaqeeya.

Warar aana la xaqiijin oo aan ka helayno aagga ay diyaaradaan ay fariisatay ayaa sheegaya in Al Shabaab ay jareen guud ahaan isagaarsiintii gudaha, ka hor inta aysan kaxaysanin dadkii saarnaa diyaaradda.

Qaramada Midoobay xafiiskooda Soomaaliya ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaan duulimaadyadii ay ka sameyn lahaayeen gobolka Galgaduud, sida aan ka helnay ilo ka tirsan Qaramada Midoobay. Sidoo kale muddo 48 saacadood ah oo ka bilaabaneysa markii diyaaradaas la afduubtay ayay sheegeen in ay ay joojiyeen guud ahaan duulimaadyadooda diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ah.

Dawlad goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa waxaa ku dhawaad hal sano ka socda dagaal ka dhan ah ay al Shabaab oo ay deeganadooda uga sifaynayeen. Al Shabaab ayaa deegaanada ay haatan ku dagaalamayso waxay ka arrimineysay muddo dhawr iyo toban sano ah. Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa garab ka siinayay dagaalkaan.

Waxaa la sheegay in diyaaradaan ay waday daawo iyo sidoo kale shaqaale caafimaad oo doonayay inay gargaar u fidiyaan ciidamada furimaha ku sugan.

Meelaha ugu daran ee dagaalka ka socday baryahaan ayaa waxaa kamid ah deegaanada Caad iyo Jeexjeex, kuwaas oo dagaal ba’an uu ku dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamada Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka oo garab ka helaya ciidamada dawladda Soomaaliya.

Ciidamada ATMIS ayaa la sheegay sidoo kale in heegan laga galiyay goobaha ay diyaaraduhu isticmaalaan oo dhan.

Ad
Previous articleQarax Culus oo Ka Dhacay Gudaha Magaalo ku Taal koonfurta Mudug oo Dhawaan Alshabaab laga Saaray
Next articleDowlada Shiinaha Oo Si wayn uga Soo Horjeesatay Damaca Itoobiya ew Bada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here