Home Wararka caalamka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo si rasmi ah Xariga uga jaray...

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo si rasmi ah Xariga uga jaray isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho,

4

Hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa wuxuu goor dhow uu xariga ka jaray Isbitaalka Digfeer, oo dayactir iyo qalabayn ballaaran ay ku sameysay Dowladdiisa.

 

 

 

Madaxweynaha Turkiga oo ay wehlinayeen Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa si rasmi ah waxa uu xariga kaga jaray Isbitaalka Digfeer, oo qaab casri ah ay Dowladda Turkiga u dhistay.

 

 

 

Isbitaalka Digfeer, ayaa waxaa loogu magac daray Recep Tayyip Erdogan Hospital, waxayna tani ka dambeysay markii Dowladda Somaliya, ay soo jeedisay in Madaxweynaha Turkiga loogu yeero, intii ay qalabayntu ka soconeysay.

 

 

 

Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabad kooban oo xariga looga jaray Isbitaalka cusub, ayaa wuxuu sheegay in Isbitaalkaan loogu adeeggi doono shacabka Somaliyeed, ee baahida u qaba caafimaad dibadeed.

 

 

 

Waxa kaloo uu muujiyay in tani ay meesha ka saari doonto in dibadda ay shacabka Somaliyeed u raadsadaan adeeg caafimaad, bacdamaa dalkooda looga hirgeliyay.

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlaayay munaasabadaasi, ayaa wuxuu Turkiga uu ku ammaanay walaal dhab ah, oo ujeedkiisu uu yahay taageero sax ah oo uu siiyo bulshada Somaliyeed.

 

 

 

Madaxweyne Erdogan, ayaa in muddo ahba kormeer ku soo bixiyay Isbitaalkaasi, iyadoo muuqaalkiisu uu yahay mid indhahaaga soo jeedinaaya. Waxayna ka mid tahay goobaha lagu xusuusan doono walaalaha reer Turki.

10 ku laabo mudug24 xiriir

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here