Home Wararka Somaliya Galmudug Madaxweynaha Galmudug oo Xariga ka jaray Shirkad cusub oo ka shaqeysa Hormarinta...

Madaxweynaha Galmudug oo Xariga ka jaray Shirkad cusub oo ka shaqeysa Hormarinta Deegaanka (Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Kaariye, oo ku sugan Degmada Cadaado, ayaa soo indhadheeyay shirkad dhawaan laga hirgeliyay degmada Cadaado oo soo saarta calafka xoolaha oo yareyn doonta saameynta abaaruhu ku leeyihiin xoolaha.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Galmudug, Xasan Cabdullahi Cascaseey, ayaa uga warbixiyay madaxweynaha, shirkaddan soo saarta calafka xoolaha.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa bogaadiyay dhalinyarada hal abuurtay shirkaddan, isagoona sheegay in wax badan ay ka badali doonto baahida xoolaha ee ah inay helaan calaf, asagoona xusay in Xooluhu yihiin laf dhabarka dhaqaale ee Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ayaa waxaa sidoo kale ay soo indha indheeyeen xayndaabka dhisme baaxad leh, oo maamulka degmadu u diyaariyeen in laga dhiso Jaamacadda wayn ee magaalada Cadaado, waxana uu madaxweynaha ballan qaaday in dowladdu dadaal badan ku bixin doonto, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada ee dowladda Galmudug.

Ad
Previous articleDeegaano Hor leh oo Ka Tirsan Gobalka Hiiraan oo Alshabaab laga Saaray(Sawiro)
Next articleBooliska somaaliya oo Gacanta Kusoo Dhigay Gacan ku dhiiglihii Dilay Hibo oo Dhawaan Dugsiga Sare Ka Qalin Jabisay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here