Home Wararka caalamka DEG DEG: Madaxweynaha Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho,,,

DEG DEG: Madaxweynaha Turkiga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho,,,

2

Waxaa goor dhow Garoonka Aadan Cadde ee Magaalaa Muqdisho ka soo cago dhigatay diyaaradda Turkish Airways, oo sida wefdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

 

 

 

Diyaaradda, ayaa wefdiga Madaxweynaha Turkiga ka soo duulisay Garoonka Magaalada Djibouti, halkaasoo labadii habeen ee ugu dambeysay ay ku hoydeen.

 

 

 

Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo masuuliyiin kala duwan, iyagoona ku sugan qaybta Terminalka cusub.

 

 

 

Sidoo kale Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku sugan wefdigii Turkishka ahaa, ee maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho, una gogol xaaraaya wefdiga Madaxweynaha Turkiga.

 

 

 

Dhanka kale Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Turki ah oo si gaar ah u tababaran, si ay u suggaan ammaanka Hogaamiyaha Wadanka Turkiga.

 

 

 

Madaxweyne Erdogan, ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu xariga ka jaro Terminalka cusub ee laga hirgeliyay Garoonka Aadan Cadde iyo weliba Isbitaalka Digfeer, oo qalabayn ballaaran uu Turkigu ku sameeyay.

 

 

 

Dowladda Somaliya, ayaa waxay maalmihii ugu dambeysay ay Magaalada Muqdisho ka waday qaban qaabo ballaaran, oo ay ugu diyaar garoobeyso soo dhaweenta wefdiga Madaxweyne Erdogan.

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here