Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Doorashadii Dalka Turkiga iyo Halka Ayey Kala Marayaan Recep...

Wararkii ugu Danbeeyey Doorashadii Dalka Turkiga iyo Halka Ayey Kala Marayaan Recep Tayyip Erdogan Iyo Kemal Kilicdaroglu?

0

Shacabka Turkiga ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo Axad ah, iyaga oo dooranaya madaxweynaha dalkaas iyo weliba golaha baarlamaanka. Doorashadan ayaa ah, mid si weyn ay ugu loollamayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo Kemal Kilicdaroglu oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ee la tartamaya, taasoo noqotay doorashadii ugu adkayd ee uu galo muddo labaatan sano ah.

Illaa 64 milyan oo shacabka Turkiga ah ayaa u diiwaangashan inay codeeyaan, taasoo ay ku jiraan illaa 3.4 milyan oo qof oo qurbe-joog Turki ah, oo ku nool dalalka debedda, kuwaas oo codadkooda ka dhiibtay safaaradaha Turkiga. Guud ahaan shacabka Turkiga ayaa lagu qiyaasaa illaa 85 milyan oo qof.

Doorashadan ka dhacaysa dalka Turkiga ayaa ah, mid ay si weyn isha ugu hayaan dalalka caalamku, gaar ahaan wadamada reer galbeedka, maadaama Turkigu uu xubin ka yahay isbahaysiga NATO, isla markaana ay jirto kala aragti duwanaansho la xidhiidha, siyaasadaha kala duwan ee caalamka ka socda.

Saadaasha ra’yiga dadweynaha ee la xidhiidha doorashadan ayaa muujinaysa inay labada hoggaamiye aad isugu dhow yihiin. Haddii midkood uu heli waayo codad ka badan 50%, waxaa qorshaysan inay dhacdo wareeg labaad oo doorasho ah, oo qorshaysan bishan May 28-keeda.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Alshabaab oo Dagaal culus ku dhexmaray Galmudug
Next articleGaadiid loogu tala galay sugida Amniga Muqdisho iyo adeegga dadweynaha oo la diyaariyay (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here