Home Wararka caalamka Wariye Ifraax Xuseen oo Hanjabaadyo Darteyd isaga soo Carartay Magaalada Muqdisho…

Wariye Ifraax Xuseen oo Hanjabaadyo Darteyd isaga soo Carartay Magaalada Muqdisho…

0

Sida la wada ogsoonyahay waxa Sanadihii dambe kor ukacay dilalka,Xabsiga iyo hanjabaadaha Joogtada ah ee wariyaasha Soomaaliyeed kala kulmayaan Kooxda Al-shabaab iyo Maamulada dalka awooda kuleh inkasto aay jiraan dhibaatooyin dhanka dowlada aay u geesato wariyaasha muqdisho ku shaqeeya.

 

 

 

Ifrah Hussein Mohamed oo ah gabar Wariye ah kana howl gali Jirtay Mid kamid ah Idaacada Sida gaarka ah loo Leeyahay ee magaalada Muqdisho ayaa isaga Carartay Magaalada kadib marki Kooxda alshabaab ay soo gaarsiiyeen hanjabado farabadan oo ay ugu sheegayan in ay dili doonan hadii aysan faraha kala baxin shaqada wariye nimo oo ay ku jirtay taas oo markii dambe sababtay in ay isaga tagto magaalada muqdisho.

 

 

 

Wariye Ifrah Hussein Mohamed oo La soo xariirtay Shabakadaan ayaa waxa ay sheegtay in haatan ay ku sugantahay wadanka Norway ayna rajeyneyso in ay shaqadeyda wariye Nimo Halkaasi Ka sii wadan doonto.

 

 

 

Ugu Dambeyntii kooxda Alshabaab ayaa beegsi ba,an ku hayo Wariyaasha Soomaaliyeed ee ka howlgalo Gudaha wadanka Soomaaliya sidoo kale alshabaab ayaa aaminsan fakir ah in aysan haweenka Soomaaliyeed Muujin wax dhaqdhaqaaq oo ay wax ugu qabanayaan shacabka Soomaaliyeed

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here