Home Wararka caalamka Dekadda Barbara oo lagu Qabtay Markab Sida Hub…

Dekadda Barbara oo lagu Qabtay Markab Sida Hub…

0

Maamulka Soomaaliland ayaa sheega in a Gacanta ku dhigeen Markab sida Hub iyo Gawaari dagaal,kaas oo ku soo xirtay Dekedda Magaalada Barbara ee Maamulka Soomaaliland.

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland  Cali Maxamed Waran cadde ayaa sheegay in aysan ogeyn halka laga leeyahay Markabkaan,waxaana uu Xusay in uu Wado Hub ay kamid yihiin Madaafiic iyo Gawaarida Qafilan.

 

 

 

Sidoo kale Wasiirka Kaluumeysiga  Soomaaliland oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Markabka uu Badeeco u waday Soomaaliland islamarkaana Qalabkaan Milatari la Arkay Xiligii Badeecada laga Dajinayay.

 

 

 

Wararka ayaa sheegaya in Qalabkaan Milatari laga soo qaaday Dalka Isku taga Imaaraadka Carabta islamarkaana Dalka Suudaan loo waday,inkastoo aan la sheegin Labada Suudaan midka loo waday.

 

 

 

Maamulka Soomaaliland ayaa intaa ku dara in ay wadaan Baaritaano Dheeraad ah islamarkaana ay Faah-faahin Buuxda ka bixin doonaan Markabka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here