Home Wararka Maanta Maxamed bin Salman oo Canaan kala Duldhacay Israail Caalamkana Baaq Adag Udiray

Maxamed bin Salman oo Canaan kala Duldhacay Israail Caalamkana Baaq Adag Udiray

0

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman, oo Talaadadii ka hadlay shirka aan caadiga aheyd ee dalalka BRICS, ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka caalamka inay joojiyaan hubka ay u dhoofiyaan Israel.

Shirka ururka BRICS oo qaab online ah uu u marti-gelinayo dalka Koonfur Afrika, kuna mideysan yihiin dalalka dhaqaalaha soo koraya ee Brazil, Russia, India, China iyo South Africa, ayaa ujeedkiisu yahay in jawaab midyesan laga bixiyo dagaalka Israel iyo Xamas.

Sacuudi Carabiya waxay dalbaneysa billowga hannaan nabadeed oo dhab ah oo dhammaystiran oo lagu dhisayo dawlad Falastiin ah oo ku saleysan xudduudaha 1967, ayuu yiri dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga.

“Mawqifka Boqortooyada waa mid joogto ah oo adag; ma jirto waddo lagu gaari karo ammaan iyo xasillooni ka dhacda Falastiin marka laga reebo fulinta go’aannada caalamiga ah ee la xiriira xalka laba waddan,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan.

Riyadh ayaa horraantii sanadkan lagu casuumay inay ku biirto BRICS.

Maxamed bin Salman ayaa ku celiyey diidmada boqortooyada ee howlgallada militari ee Israel ay ka waddo Marinka Gaza, wuxuuna dalbaday in si deg deg ah loo joojiyo.

Waxa uu sheegay in “dambiyada naxariista darran” ee Gaza ka socda ay dalbanayaan dadaal wadajir ah oo lagu soo afjarayo.

Maxamed bin Salmaan ayaa ku celiyey diidmada Sacuudi Carabiya ee ku aaddan barakacinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta ee Marinka Gaza, wuxuuna ku baaqay dadaallo wadajir ah oo lagu joojinayo sii xumaanshaha xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira degaanka.

Sacuudi Carabiya ayaa sameysay dadaallo aan kala joogsi laheyn, tan iyo markii uu billowday dagaalka 7-dii October, kuwaasi oo lagu badbaadinayo shacabka, ayuu yiri.

Dagaalka ayaa ka qarxay Gaza kadib markii rag hubaysan oo Xamas ah ay dileen ku dhawaad 1,200 oo qof, oo u badnaa dad rayid ah, intii lagu guda jiray weerar ay 7-dii October ku qaadeen Israel – waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee taariikhda Israel.

Israel oo aargoosi sameyneysa ayaa duqeymo aan kala joogsi lahayn iyo weerar dhulka ah ku qaaday Gaza oo ay Xamas maamusho.

Sida laga soo xigtay maamulka Gaza, dagaalka waxaa ku dhintay in ka badan 13,300 oo qof, oo kumanaan ka mid ah ay yihiin carruur.

Ad
Previous articleIsrael oo dib ugu yeeratay safiirkeeda u fadhiyay dal Afrikaan ah oo Taageeray Falastiin
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dalka Ka Mamnuucay Aalada 1XBIT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here