Home Wararka caalamka Qaraxii Hottel SYL oo Saraakiil loo Xiray iyo Warar Kala Duwan oo...

Qaraxii Hottel SYL oo Saraakiil loo Xiray iyo Warar Kala Duwan oo Kasoo Baxayo….

0

Warar lagu kal soonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Qaraxii Shalay ka dhacay Hottelka SYL ee Magaalada Muqdisho loo Xir xiray Tiro Ciidan ah oo ay ku jitraan Saraakiil.

 

 

 

Illo ku dhaw dhaw Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa noo sheegay in Dadka la Xir xiray ay iskugu jiraan Ciidamadii Ilaalada Hottelka iyo sidoo kale Taliyihii qaabilsanaa Amaanka Hottel SSYL.

 

 

 

Wararku waxaa ay sheegayaan in ilaa 7 ay gaarayaan Dadka Kiiska Qaraxa loo xiray oo loo Maleenayo in ay Fududeeyeen Qarax,waxaana Ciidamada la sheegay in ay u badan yihiin kuwii Ilaalinayay dhanka Xarunta Baarlamaanka oo Gaariga uu ka soo galay.

 

 

 

Warar aan la Hubin ayaa sheegaya in Ninka Is Qarxiyay uu Ciidamada Tusay Kaar Aqoonsi ah oo ay ka Muuqato Astaanta Ciidamada Booliska Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in laga Shaki qabo qaabka Qaraxa uu u dhacay islamarkaana la Magacaabay Gudi Ajaanib iyo Soomaali iskugu jirta loo xilsaaray Qaraxa in ay baaris ku sameeyaan.

 

 

 

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya xili Amaanka Caasimadda Maalmahaan kor loo qaaday,waxaana Dadka Muqdisho la yaab ku noqotay Qaraxa iyo sida Kadiskaa ee uu u dhacay,maadaama Goobta si aad ah loo ilaalinayay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here