Home Wararka caalamka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Baajiyay Booqashadii Muqdisho-Sababta keentay…

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Baajiyay Booqashadii Muqdisho-Sababta keentay…

1

Xilli Magaalada Muqdisho si weyn looga diyaar garoobay, lana suggaayay in la soo dhaweeyo Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in dib u dhac uu ku yimid, safarkiisii Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo u waramay Warbaahinta Dowladda, ayaa wuxuu cadeeyay in dib u dhac uu ku yimid booqashadii Madaxweynaha Turkiga ee Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Dib u dhaca waxa sababay, ayaa wuxuu ku sheegay geeridii xalay ku timid Boqorkii Wadanka Sacuudi Caraabiya Cabdalla Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

 

 

 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa safar aan horey loo sii shaacin oo deg deg ah waxa uu maanta ku tagayaa Magaalada Riyaddh ee Xarunta Wadanka Sacuudi Carabiya.

 

 

 

Dowladda Somaliya, ayaa waxaa dhankeeda lagu wadaa inay u dirto wefdi kaga qaybgala, iyadoo ay suurta gal tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu qudhiisu u amba baxo Sacuudiga.

 

 

 

Wadamada Caalamka, ayaa Sacuudiga kaga tacsiyadeynaaya geerida naxdinta leh ee ku timid Hogaamiyahoodii.

 

 

 

Madaxda Caalamka, ayaa waxaa qaarkood la filayaa in ay ka qaybgalaan aaska ballaaran ee lagu wado in loo sameeyo marxuum Cabdalla Bin Cabdulcaziiz Al Sacuud.

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here