Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee...

Dowladda Soomaaliya iyo Sacuudiga oo heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga(Sawiro)

0

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Riyadh ee caasimada dalka Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa heshiiskan oo ah mid iskaashi ayaa qalinka ku duugay, isaga oo la saxiixday dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane H.E Faisal bin Farhan Al Saud.

Heshiiskaan iskaashi ayaa waxa uu waddada u xaarayaa wada-shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni-goonni ah u galaan is-fahanno iyo heshiisyo wada-shaqayneed.

Dhawaan ayey aheyd markii Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen heshiis u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Hesiiskaas ayaa ku saabsana dhinaca iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, sida markaas lagu shaaciyay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

“Golaha wuxuu ansixiyay heshiis dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda boqortooyada Sacuudi Caribiya, kaas oo ku saabsan dhinaca amniga oo labada waddan ay iska kaashan doonaan.”

Si kastaba, Sacuudiga ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dhaqaalaa iyo arrimaha bani’aadanimada.

Ad
Previous articleWaxa ka dhacay Qubuuraha Gaalkacyo ee sababay in meydadka lala baxo
Next articleDowlada Iiraan oo digniin culus kasoo saartay dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here