Home Wararka caalamka Dowlada Turkiga oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Muqdisho iyo Safarka Madaxweynaha...

Dowlada Turkiga oo ka hadashay weerarkii ka dhacay Muqdisho iyo Safarka Madaxweynaha Dalkasi…

0

Weerar ismiidaamin oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay ilinka hore Hotel ku yaalo Muqdisho oo ay ku shirayeen wafuud ka socota turkiga xilli lagu wado in maalinta berito ah Muqdisho soo gaaro madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan.

 

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in xilligii uu dhacayay Qaraxa gudaha Hotelka ay ku sugnaayeen wafdiga ka socda Turkiga kuwaasi bad qaba.

 

Goob joogayaal ayaa u sheegay Reuters in goobta ay ku arkeen in Labo sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska ay yaaleen Albaabka hore ee Hotelka.

 

Saraakiil ka tirsan Dowlada Turkiga ayaa sheegay inaan weerarka waxba uusan ka soo gaarin wafuuda Turkiga ee ku sugnaa Hotelka,islamarkaana arintaan saameyn ku yeelan doonin booqashada Erdogan.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in maalinta berito ah uu Muqdisho ku soo dhaweynayo madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here