Home Wararka Maanta Nin la tuhmayo in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab oo Muqdisho...

Nin la tuhmayo in uu katirsan yahay kooxda Al Shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

0

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Banaadir, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan ayaa caawa fiidkii gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu tuhmayo in uu katirsan yahay dagaalyahannada Al Shabaab.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan ciidamada ka shakiyeen ,kaddib markii uu dhowr mar kusoo noq noqday bar-koonatrool oo ciidamada booliiska ku leeyihiin isgooska Albaraka.

”Ciidanka booliiska gaar ahaan qeybta Waliyoow Cadde ayaa caawa gacanta kusoo dhigay nin lagu tuhmay inuu ka tirsanyahay ururka Alshabaab. Eedeysanaha oo dhowr jeer kusoo noq noqday barkontorool ay ciidanku ku leeyihiin agagaarka isgoyska Albarako ayey si feejigan u qabteen, waxaana la marsiin hab-raaca baaris ee sharcigu jideeyay hadduu alle idmo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
.
Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlagalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxa ayna ciidamada howlgalo kala duwan ay fuliyeen ku qabteen burcad hubeesan iyo kooxo dilal iyo dhaawac geestay.
Ad
Previous articleMucaaradka Kenya oo Markale Dib u Bilaabay Banaan Baxyo ka Dhan ah Ruto
Next articleAl-Shabaab iyo dadka deegaanka oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here