Home Wararka Somaliya Puntland Gaalkacyo Ciidanka Puntland oo Xabsiga dhigay 20 Ruux oo Shabaab lala Xiriirinaayo

Gaalkacyo Ciidanka Puntland oo Xabsiga dhigay 20 Ruux oo Shabaab lala Xiriirinaayo

0

Laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa saacadihii la soo dhaafay xabsiga dhigay in ka badan 20 dhalinyaro ah, oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha Amniga, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in dadka la qabtay ay u badan yihiin dhalinyaro u dhashay degaanka, oo ka soo laabtay Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa xabsiga loo taxaabay qaar kamid ah dadka wareejiya Ganacsiga yar yar, waxaana gebi ahaanba Gobolka laga mamnuucay Ganacsiga noocaas ah.

Saraakiishu waxay sheegeen in haatan baaritaan ku socdo tuhmanayaasha lagu qabtay Gaalkacyo, kuwaas oo aysan weli ku caddayn, haddii ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Ad
Previous articleAkhriso:- Heshiis Galmudug iyo Itoobiya ay kala Saxiixdeen
Next articleMadaxweyne Laftagareen oo soo gaaray Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here