Home Wararka Maanta Dowlada Spain oo ku baaqday in Raisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Maxkamada...

Dowlada Spain oo ku baaqday in Raisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Maxkamada Caalamiga ah lasoo Taago

0

Wasiirka xuquuqul insaanka ee Dowlada Spain ayaa ku baaqday in Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ICC ay furto baarista dambiyada dagaal ee uu galay Raisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Waxay ku eedeysay inuu masuul ka yahay duqeymaha cirka ee Marinka Gaza iyo go’doominta ba’an ee hor istaagtay inay si xor ah u socdaan gargaar bini’aadantinimo oo aad loogu baahnaa.

“In dilalka foosha xun ee ay u geysanayaan kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta dadka rayidka ah ee Israa’iil, marmarsiiyo looga dhigo dembiyada Israa’iil guud ahaan iyo xasuuqa Gaza, waa wax aan la aqbali karin,” ayey tiri Belarra

“Waxaan ka codsaneynaa lammaaneheena, xisbiga hantiwadaaga PSOE, in aan ka wada shaqeyno si aan u soo bandhigno magaca dowladda Spain codsi ku saabsan xafiiska xeer ilaalinta ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah si ay u baaraan dembiyada dagaal ee Falastiin ee Netanyahu uu galay, sida la sameeyey dhawaan kiiska Samafale Isbaanish ah oo lagu dilay dagaalka Ukraine, iyo sidoo kale kuwii Xamaas ay ka geysatay Israa’iil iyo dhulkii la qabsaday ee ka dhanka ahaa dadka rayidka ah,” ayey tiri Belarra, oo sidoo kale ku baaqday dadaal degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah, lagana xaajoodo joojinta rabshadaha.

Waxay sidoo kale sheegtay in Sharciga caalamiga ah uusan ogolayn, ayna tahay dembi dagaal talaabada Israel ku dooneyso iney guryahooda kaga qixiso dadka badan hal milyan oo ku dhaqan woqooyiga Gaza.

Belarra waxay sidoo kale ku boorisay Midowga Yurub inuu joojiyo taageerada indho la’aanta ah ee Israel iyo raacitaanka Mareykanka.

“Maraykanka iyo Midowga Yurub ma eegayaan dhinac kale ama uma dhaqmaan qaab dhexdhexaad ah, waxay ku dhiirigelinayaan dawladda Israa’iil siyaasaddeeda ku salaysan midab-takoorka iyo xasuuqa ee si weyn ugu xad-gudban xuquuqda aadanaha,” ayay tiri. “In Xamaas loo adeegsado marmarsiiyo lagu dilayo kumannaan rayid ah oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan carruur, waa munaafaqnimo aan la soo koobi karin oo ka jirta dhinaca Israa’iil iyo waddamada taageera” ayey intaas ku dartay.

Ka dib weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar, xukuumadda Netanyahu ayaa billowday waxa ay hay’adaha xuquuqul insaanka caalamiga ah iyo khubarada sharciga ku tilmaameen olole ciqaab wadareed ah, oo lagu duqeeyay marinka Gaza ee ay dadku ku badan yihiin, iyagoo burburiyey kaabayaasha rayidka, iyo jarista sahayda deegaanka ee cuntada, korontada, shidaalka, iyo sahayda kale ee muhiimka ah.

In ka badan 2,600 oo qof oo Gaza ku nool ayaa lagu dilay tan iyo markii uu billowday ololaha duqeymaha Israa’iil in ka badan hal milyanna waa ay ku barakaceen.

Jimcihii, dawladda Israa’iil waxay amar ku bixisay dhammaan dadka ku nool waqooyiga Gaza – in ka badan hal milyan oo qof – inay ka baxaan ka hor duulaanka dhulka ee la filayo, dalabkaas oo dhaliyay caro caalami ah.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in amarkan uu noqon karo dambi dagaal oo iyo in si qasab ah lagu qixiyo shacab, iyadoo aan la siin dammaanad qaadka marin ammaan ah ama dammaanad cad oo ah inay ku laaban karaan guryahooda.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Booqday Ciidamadii Xalay laga Soo Celiyay Dalka Eriteeriya Balanqaadna Usameeyey(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah: Qarax ismiidaamin ah oo Ka dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here