Home Wararka Caalamka Khamiis uu xiran jiray Nabi Muxamad NNKH” oo lagu soo bandhigay

Khamiis uu xiran jiray Nabi Muxamad NNKH” oo lagu soo bandhigay

0

Khamiis la sheegay inuu xiran jiray Nabi Muxamad NNKH, taas oo ay xafideen qaraabada nin uu Nabiga u haddiyeeyay khamiiskaas ayaa lagu soo bandhigayaa dalka Tukriga.

Khamiiskan oo Ramadaan walba lagu soo bandhigo masjid ku yaalla magaalada Istanbul ayaa haatan la soo bandhigayaa labo sano kaddib, sababo la xiriira xanuunka Covid, iyadoo masjidkaas oo ay dalxiisayaal badan soo booqan jireenna la xiray xilliyada ay aad u badnaayeen kiisaska xanuunka.

Dadka haya khamiiskan ayaa labo sano kaddib dadka u sheegay inay imaan karaan Masjidka Hırka-ı Şerif (Khamiiska Barakeysan), maaddaama ay hoos u dhaceen kiisaska xanuunka.

Barış Samir, oo ka soo jeeda Uwais al-Qarni, oo ah ninka la sheegay inuu Nabigu saacadda u hadiyeeyay, ayaa sheegay in khamiiska la soo bandhigayo Jimcaha abbaaro 10 a.m. waqtiga dalkaas, ayna halkaasi oolli doonto ilaa dhammaadka bisha.

 

Uwais al-Qarni, oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Yemen, ayaa sida taariikhaha lagu xusay wuxuu qarnigii toddobaad u safray magaalada Madiina si uu u soo arko Nabi Muxamad NNKH, balse isagoo aan Nbaiga arkin ayuu dib ugu laabtay Yemen sababo la xiriira hooyadiis oo xanuunsatay.

Waxaa la sheegay in marka Nabiga NNKH uu maqlay sheekada ninkan uu u hadiyeeyay khamiiska isagoo ugu dhiibay dad ugu geeya Yemen.

Al-Qarni oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee rumeeyay Nabiga ayaa geeriyooday 24 kaddib geeridii Nabiga NNKH, waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa ciidamadii Khilaafadii Cali.

Al-Qarni ma uusan dhalin carruur, saacadda ayuuna usii hadiyeeyay walaalkiis waxaana ilaa maantadan gacanta ku haya qoyska ka soo faracmay al-Qarni. Qoyska al-Qarni ayaa qarniyo waxay ku noolaayeen koofurta magaalada Anatolia ee dalka Tukriga, waxayna markii dambe u soo guureen Kuşadası oo ku taalla gobolka Aegean.

Qarnigii 17-aad, Ottoman Sultan Ahmet ayaa ka codsaday inay keenaan magaalada Istanbul oo lagu keydin jiray dhammaanba waxyaabaha taariikhda u leh Islaamka.

Markii khamiiska la keenay Istanbul, waxaa lagu riday sanduuq loo sameeyay labo quful, mid waxaa la siiyay suldaanka halka kan kalena la siiyay qoyska al-Qarni.

Turkiga

Qoraalka sawirka,Dalxiisayaal badan ayaa u soo daawasho taga bandhigga khamiiska

Samir ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency (AA) u sheegay in khamiiska loo soo daawasho tegi karo ilaa 29-ka April, maalin kahor Ciidda. Wuxuu intaas ku daray inay ka codsadeen dadka u soo daawasho tagaya inay ka digtoonaadaan xanuunka COVID-19. “Waxaan sameyn doonnaa xayiraado badan waxaana ka codsannay dadka soo booqanaya inay u hoggaansamaan,” ayuu yiri.

Istanbul waxaa yaalla inta badan waxyaabaha taariikhiga u ah Islaamka waxaana lagu keydiyaa Topkapı Palace tan iyo markii Suldaan Selim uu qabsaday Masar qarnigii 16-aad, isagoo la soo wareegay waxyaabo badan oo taariikhi ah.

Sanad walba, in ka badan hal milyan oo Muslimiin ah ayaa la sheegay inay daafaha dunida uga yimaadaan aawashada khamiiskan. Tirada dadka ayaa mararka qaar intaas ka badata, gaar ahaanna habeenka la fisho Leylatul-qadarka.

Ad
Previous articleSarkaal Sare oo Lagu Qarxiyay Magaalada Muqdisho iyo Khasaaro Ka Dhashay
Next articleTPLF oo Digniin Adag Udirtay Dowlada Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here