Home Wararka caalamka Dhageyso Duleedka Degmada Garbahaarey oo Dagaal ka Dhacay…Faafaahin…

Dhageyso Duleedka Degmada Garbahaarey oo Dagaal ka Dhacay…Faafaahin…

0

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

 

 

 

Ciidamo ka mid ah dowladda Federaalka oo kusoo wajahnaa dhanka degmada Garbahaareey ayaa weerar kala kulmay ciidamo ka mid ah Al-shabaab, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

 

 

 

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Garbahaareey oo saaka u waramay Goobjoog ayaa sheegay in halkaasi ay ku dhinteen in ka badan 5 askari oo ciidamada dowladda ah kuwaa oo Meydadkooda la keenay degmada, sidoo kalena dhaawac badan uu jiro.

 

 

 

Dhanka kale Al-shabaab lama oga qasaaraha dhankooda soo gaaray, waxaana saaka halkii lagu dagaalamay xaaladda ay tahay mid aad u degan, iyadoo weli saraakiisha dowladda Federaalka aanay wax war ah kasoo saarin dagaalkaasi.

 

 

 

Ciidamada dowladda ee jidka loo galay ayaa shalay howlgal ay sameeyeen waxay ku tageen deegaano badan oo ku dhaw Garbahaareey, halkaasi oo ay maamuli jireen Al-shabaab.

 

 

 

Halkaan Hoose ka dhageyso.

 

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here