Home Wararka Somaliya Puntland Gabadhii qoyskeeda lagu weeraray Boosaaso ee Sida Xun loola Dhaqmay oo...

Gabadhii qoyskeeda lagu weeraray Boosaaso ee Sida Xun loola Dhaqmay oo Warbaahinta la hadashay

0

Qoyskii dhowaan weerarka loogu geystay magaalada Boosaaso, ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay inay weli sugayaan caddaalad.

Muuqaal naxdin leh oo Sabtidii lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay qoys kamid ah beelaha la hayb sooco oo hadallo isir nacayb ah iyo handaad loo geysanayo.

Ciidamada maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, ayaa soo xiray afar nin, oo ahaa kooxdii hubeysnayd ee lagu eedeeyay inay ku xad gudbeen qoyska.

Cabdiqaadir Jaamac Dirir, oo ah taliyaha ciidanka booliiska gobolka Bari, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in dhibaatadan ay asalkeeda ka timid hadalo aflagaado ah oo la isku weydaarsaday barta ay bulshada ku kulanto ee Tiktok, taasoo markii danbe keentay in reer aan waxba galabsan ay arrintaasi dhibbanayaal u noqdaan.

“Falka lagu soo qabtay dhalinyaradan, waa kaad aragteen oo la wareejinayey Baraha Bulshada, reer habeen gurigiisa ku jira loo dhacayo, oo qof hurda dhabanka cag laga saarayo, jawaabta iyo waxyaabaha ay kula kaceen, iyaga oo ah dhalinyada unbaa ka fal celin doona, mar haddii lasoo xiray dadkii dhibaatada geystay” ayuu yiri taliye Cabdulqaadir Dirir.

Taliyaha ayaa wuxuu intaa raaciyey in eedeysanayaasha maxkamad lasoo hor istaajin doono, lana marindoono ciqaabtooda.

Balse Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay oo iyadoo ku sugan dalka Faransiiska BBC la hadashay ayaa sheegtay in weli aysan helin caddaaladdii ay ka filayeen laamaha ammaanka Puntland.

“Maanta ayaa lagu ballansanaa in maxkamad la horgeeyo, balse haddana Axad ayaa loo dib dhigay,”

Kheyriya ayaa sheegtay in raggan sababta ilaa iyo haatan loo hayo ay ka dhigan tahay inaan dembi loo heysan.

“Annaga waxaan ku faraxsannahay in maxkamad la horgeeyo, caddaaladda la marsiiyo. Markaas ayaan qanceynaa oo caddaalad baan helnay leennahay. Wax baa la qabtay iyo wax baa la xiray caddaalad uma arko,” ayay tiri.

“Waxaan codsanayaa in dadkeygu ay caddaalad helaan, oo dowladda Puntland ay raggan caddaalad horgeyso. Nimanka falkaa geystay ee la arkayo iyagoo dad jiijiifa ciid madaxa uga shubaya, anigu weli ma arko caddaalad. Marka maxkamad la horgeeyo baan qancayaa,” ayay intaas raacisay Kheyriya.

Sida laga arki karo muuqaalka, koox rag ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya hooyada iyo aabbaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah.

Sidee ayay arrintan ku bilaabatay?

Kheyriya ayaa sheegtay in arrintan ay asalkeeda ka ka bilaabatay kaddib markii ay is khilaafeen gabar sida ay sheegtay guri ay isla degganaayeen.

“Gabadhii way soo caytantay, anigana waan soo caytami jiray, dad ilma adeerradeed ah ayaa u hiilin jiray. Tiktok ayagoo badan iyo aniga keligey ayay noqon jirtay,” ayay tiri.

Waxay intaa raacisay in qol ka mid ah Tiktok ay ku caytami jireen. “Waxay igu eedeeyeen ugaas bay cayday. Aniga Ugaas ma caynin, qabiil bay caayeysay anna qabiil baan caayayay.

Wiilasha lagu eedeeyay inay tacaddi u geysteen reerka, ayay Kheyriya sheegtay inay isku reer yihiin gabadhii ay is khilaafeen.

“Gabadha ayaa mar ay maqribbadii ahayd ayay Tiktok ka hanjabtay oo tiri waa in 24 saac gudahood wax laga qabtaa oo jawaab la tusaa. Saddexdii habeennimana reerkeyga ayaa la weeraray,”

Wiilashan hadda booliisku gacantu ka hayo, ayay Kheyriya sheegtay in la dirsaday oo gabdhihii ay is khilaafeen ay ilmo adeer yihiin.

“Haddii aan qabiil caayay maxaa gurigeenna bartilmaameed ka dhigay? Soomaali oo dhan ayaa is caydee aniga shaabbad goonni ah miyaa igu dheggan?” ayay Kheyriya tiri.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka oo bayaan kasoo saaray dagaalka Laascaanood
Next articleBaadarigii dadka raacsan ka soomiyay cuntada illaa ay dhintaan oo la sheegay in lagu helay caddeymo ku filan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here