Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamo Farabadan oo Loogu Talagalay inay Wax Ka Qabtaan Degmada Xarardheere oo...

Ciidamo Farabadan oo Loogu Talagalay inay Wax Ka Qabtaan Degmada Xarardheere oo La Sagootiyay(Sawiro)

0

Ciidamo katirsan daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug oo ka qeybqaadanaya howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmada Xarardheere ayaa maanta laga sagootiyay deegaanka Saqiiro ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa ciidankan oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan ka sagootiyay deegaanka Saqiiro.

Wasiirka oo la hadlay ciidankan ayaa sheegay in looga fadhiyo ka qeybqaadashada howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, gaar ahaan xureynta degmada Xarardheere iyo deegaanno kale oo dhaca gobolka Mudug.

Ciidamadan ayaana ka qeybqaadanaya howlgal wadajir ah oo ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa deegaannka ku doonayaan in Al Shabaab kala wareegaan degmada Xarardheere iyo deegaanno kale oo dhaca gobolka Mudug.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Kordhiyay La Dagaalanka Burcada Dadka Shacabka Dhaca iyo Kuwa Hor leh oo lasoo Qabtay(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Oo Afar Qodob Xasaasi ah Kala Hadlay Safiirada Midowga Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here