Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo ku soo laabtay Dhuusamareeb Booqdayna Guriga Askarigii isku Dhigay...

Qoor Qoor oo ku soo laabtay Dhuusamareeb Booqdayna Guriga Askarigii isku Dhigay Gaarigii Lagu Khaarijin rabay Qoor Qoor iyo Madax kale(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo howlo shaqo ugu maqnaa caasimadd dalka oo galabta kusoo laabtay caasimadda Dhuusamarreeb ayaa booqday gurigii uu ka baxay Mujaahid Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud oo ahaa halyeey geesi ah oo kahor tagay naftii hallige doonayay inuu isku qarxiyo Madaxweynaha iyo wafdi la socday deegaanka laasgacaneey.

Madaxweynaha ayaa labada waalid ee dhalay mujaahid Axmed Fiiqane uga mahadceliyay geesinninamada ay ku barbaariyeen wiilkooda, isagoo Eebbe uga baryay inuu ku irsaaqo naxariistiisa.

Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug mudane Cali Daahir ciid iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Nuur Gacal.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dalka Jabuuti kulan kula leh Lloyd Austin.
Next articleCiidamada Dowlada ee Gacanta Ku Dhigi lahaa Ruun-nirgood, Ceeldheer, Galcad, Masagawaa ilaa Ceelbuur iyo Galhareer oo la Diyaariyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here