Home Wararka Maanta Soomaali ka yimid Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerarayo New...

Soomaali ka yimid Maraykanka oo ku hanjabay in uu weerarayo New York

0

Nin asalkiisu Soomaali yahay balse haysta dhalashada Mareykan ah ayaa wajahaya eedeymo ka dib markii lagu eedeeyay in uu “taageero agabka ah” u fidiyay kooxda argagixisada ah ee Daacish, isla markaan uu ku sii jeeday in uu tababaro nooca militariga ah kusoo qaato xero dagaal oo Daacish ay ku leedahay Soomaaliya, sida ay baahisay waaxda cadaaladda ee Maraykanka.

Harafa Hussein Abdi, oo 41 jir ah, kuna nool magaalada Minneapolis ayaa dhawaan laga soo qabtay Bariga Afrika, waxaana todobaadkan loo qaaday dalka Mareykanka, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaaliyaha Mareykanka ee New York.

Abdi waxa uu ka soo guuray Minnesota 2015-kii una soo wareegay Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland waxa uu ku biiray koox ka tirsan dagaalyahanada Daacish oo ku sugnaa Soomaaliya.

Shalay oo jimce ahyad ayuu markii ugu horeysay ka soo muuqday maxkamada heer federal ee Manhattan.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu bixiyo taageero agab ah oo uu u fidinayo urur argagixiso oo ajnabi ah gaar ahaan (ISIS) iyo in uu tababaro nooca militariga kusoo qaatay Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee New York, Damian Williams ayaa yiri: “Sida lagu eedeeyay, Harafa Hussein Abdi, oo ah muwaadin u dhashay dalkan wuxuu ka safray Minnesota si uu ugu biiro kooxda Daacish ee Soomaaliya, isagoo tababar ku qaadanayay xero ay ku leeyihiin Soomaaliya dagaalyahannada Daacish ee Soomaaliya, Abdi ayaa la sheegay inuu watay qori AK-47 ah, isagoo ku hanjabay inuu weerari doono dadka rayidka ah ee ku nool magaalada New York”.

Kaaliyaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Matthew Olsen aya sheegay in . Abdi ka tagay dalkiisa oo uu ku biiray ISIS, “Waxa uu u tababaray dagaal yahano, waxa uuna si firfircoon uga caawiyay kooxda dacaayadaha ay ku faafineyso fikirkeeda xun”

“Ma jirto mudnaan ka sareysa oo ay leeyihiin Qeybta Amniga Qaranka oo aan ka ahayn in Mareykanka laga ilaaliyo ururada argagixisada, waxaana si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonnaa sidii aan u heli lahayn ulana xisaabtami lahayn kuwa ku biiri kooxaha si ay dadkeena u dhibaateeyaan meel kasta oo ay joogaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Muqaal cajalad ah oo la duubay sanadkii 2017-kii ayaa lagu arkayay Harafa Hussein Abdi oo ka hadlayay xilligii uu ku sugana Soomaaliya, iyadoo rasaas toos ah iyo qarax laga maqlayo gadaashiisa.

“Waxaan wadnaa jihaad; waxaan ku duulayna Ameerika annagoo jidkayaga ku socona si aan u tooganno kuwa ku nool New York, waxay isku dayeen inay na xiraan laakin nama celin karaan” ayaa ka mid ah eryo laga maqlayo cajalad Abdi uu ku jiro.

Harafa Hussein Abdi ayaa ka baxay kooxda sanadkii 2017-kii ka dib markii ay isku dhaceen hoggaanka kooxda Daacish, kuwaas oo xabsiga dhigay.

Ugu dambayntiina wuxuu baxsaday magaalada Hargeysa ee Jamuuriyada iskeed ugu dhawaaqay madax bananida, halkaas ayaana lagu xiray, sida ay sheegeyso warbixintu.

Abdi waxa uu ku dhashay Soomaaliya sanadkii 1982-dii, waxa uu galay Maraykanka 1999-kii, waxaanu qaatay dhalasho Maraykan ah 2006, sida ay masuuliyiinta Mareykanku ay shaaciyeen.

Xaakimaka maxkamada heer federal ee Manhattan ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa maxkamada ay go’aan gaarto kiiskiisa .

Hadii lagu helo eedeymaha lagu soo oogay Harafa Hussein Abdi waxaa uu wajihi doona ciqaab ah inta u dhaxeeysa shan ilaa 20 sano oo xarig ah.

Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka hadlay falkii xadgudubka ahaa ee ay dowladda Itoobiya kula kacday madaxweyne Xasan Sheekh
Next articleDowlada Soomaaliya oo digniin culus u dirtay Ethiopia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here