Kulanka ayaa laga soo saaray Qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin halka lagu qabanyo Shirka oo la isku raacay in laga dhigo Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud iyo in Gudiga Farsamada ay Degmada Cadaado tagaan iyo sidoo kale in Ciidamada AMISOM ee Ilaalinaya Shirka la geeyo Degmada Cadaado.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku Afgartay Qodobadaasi.
Sidoo kale Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in IGAD ay ku dhiirigalineyso Gudiga Farsamada Dhismaha Maamulkaasi islamarkaana IGAD iyo Beesha Caalamku ay garabtaagan yihiin..
Shirka Maamul u sameynta Gobolada dhexe ayaa waxaa jiray Caqabado dhowr ah oo haystay oo ay kamid tahay halka la dhigayo Gogosha Shirka.
Ilhaan Mahamuud liked this on Facebook.
Osman Abdi Midey liked this on Facebook.
Aweys Mcalin Xasan liked this on Facebook.