Afhayeenka Gudiga Farsamada ee Shirka Maamulka loogu dhisayo Gobolada Dhexe Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay inay Xal ka gaareen Caqabadihii ku hor gudbanaa qabsoomida Shirka Magaalada Cadaado.
Wuxuu hadalkan ka sheegay Kulan ay Maanta oo Axad ah isagu yimaadeen Magaalada Muqdisho Saxiixiyaasha Shirka & Gudiga Farsamada, kuwaasi oo sidoo kale la kulmay Maxa’ed Cabdi Afey, Wakiilka IGAD.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhamaan dhinacyada Shirka quseeya ay isku-afgarteen in Shirka lagu qabto Magaalada Cadaado, islamarkaana lasoo dedejiyo Waqtiga Dhismaha Maamul Goboleedka Gobolada Dhexe (Galgaduud & Mudug).
“Caqbadaha waxaa ugu weynaa Amniga, waxaana kala hadalnay Wakiilka IGAD in Ciidamo AMISOM ah at tagaan Magaalada Cadaado, oo ay xaqiijiyaan Amaanka Magaalada Maadaama ay Marti Sharaf & Madax sare ay kasoo qeybgalayaan,” ayuu yiri Afhayeenka.
Cumar Cali Rooble ayaa intaasi ku daray inay Gudiga Farsamo ay tageen Magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, oo ay qiimayn kusoo sameeyaan kadib ay go’aansadeen inay Cadaado Shirka Martigeliso.