Home Wararka Maanta Alshabaab ku Wajahna Galgaduud iyo Mudug si ay uga Qaybgalaan Dagaalada Socda...

Alshabaab ku Wajahna Galgaduud iyo Mudug si ay uga Qaybgalaan Dagaalada Socda oo lagu Qabtay Baladweyne(Sawiro)

0

Ciidamada hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta howl-gal culus ka sameeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Howl-galkaan oo ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ayaa waxay ciidanka NISA kusoo qabteen shabakad Shabaab ah oo qorsheysanaysay in ay kasii tallaaban gobolka Hiiraan.

Saraakiisha NISA ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in xubnahaan aragagixisada ah ay doonayeen in ay gobalka Hiiraan ugu tallaabaan gobolka Galgaduud oo uu ka socdo howl-gal lagu cirib-tirayo kooxda.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa muddooyinkii dambe howl-galo qorsheysan ku beegsaneysay dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku dishay Shabaab badan, xilli uu gobolada dalka ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda.

Ad
Previous articleMaxamed Shakuur oo dilay ninkii soo barbaariyay oo ahaa Sheekh caan ah
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Milateriga Somaliland iyo Ethiopia oo qaaday tallaabo xasaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here