Home Wararka Maanta Maraykanka oo ka Hadlay Dhaqaatiir Ajaanib ah oo u Afuubnaa Alshabaab oo...

Maraykanka oo ka Hadlay Dhaqaatiir Ajaanib ah oo u Afuubnaa Alshabaab oo Duqayn uu ku laayay

0

Taliska milatariga Maraykanka ee Africa ee loo yaqaan AFRICOM ayaa xaqiijiyey inay duqayn ka gaysteen meel u dhow Jilib 15-kii bishan, taas oo la sheegay in lagu dilay dhakhaatiir u dhalatay dalka Kuuba.

Kooxda Al-Shabaab ayaa maalin ka hor sheegtay in laba dhakhtar oo u dhashay Cuba oo afduub ay ku heysteen ay ku dhinteen duqayn ay magaalada Jilib ka gaysteen diyaaradaha Maraykanka.

Qoraal ka soo baxay Taliska AFRICOM ayey ku sheegteen inay jirto duqeyn ay 15-kii Febraayo ka gaysteen meel u dhow Jilib, sidoo kale ay maqleen warka sheegaya dhimashada dhakhaatiirtaas, balse aysan heyn wax cadeyn ah.

“Waan ka warqabnaa wararka sheegaya eedda ah in duqayntu dishay laba rayid ah. Ma hayno xog dheeraad ah waqtigan oo ku saabsan wararkaas, hase yeeshee wixii sheegasho ah ee la xiriirta dhib soo gaaray rayid way nagu weyn tahay,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Al-Shabaab waxay sheegeen labo dhakhtar oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo u dhashay dalka Cuba ay ku dhinteen duqeyntii diyaaradaha Mareykanka, balse sooma bandhigin wax cadeyn ah.

Mareykanku wuxuu qoraalkiisa ku cadeeyey in bartilmaameedka duqayntaas uu ahaa kooxda Al-Shabaab, balse ay sii baarayaan hadii ay jiraan dad rayid ah oo ku geeriyooday.

“Taliska AFRICOM wuxuu sii wadayaa qiimaynta natiijada hawlgalkan, waxaana bixin doonaa xog-dheeraad ah markii la helo,” ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Argagixsada Al-Shabaab ayaa bishii April ee sanadkii 2019-kii labada dhakhtar ee geeridooda ay shaaciyeen waxay ka soo afduubteen magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, waxayna intaas ku hayeen meelaha ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Xalay Ka dhacay Muqdisho oo Dad Badan Ku dhinteen
Next articleSoomaaliland iyo Soomaaliya oo isku Haaya Hawada Soomaaliya iyo Diyaarad israil laga leeyahay oo hawada Soomaaliya lagu Dhibaateeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here