Home Wararka Somaliya Galmudug Wafdi Caalami ah oo Booqday Xerada LaguTababaraayo Ciidamada Galmudug ee Cadaado(Sawiro)

Wafdi Caalami ah oo Booqday Xerada LaguTababaraayo Ciidamada Galmudug ee Cadaado(Sawiro)

0

Wafdi kormeer ah oo ka kala socda hey’addaha UNDP, UNSOM iyo UN POLICE ayaa maanta booqday xerada tababarka booliska Galmudug ee Cadaado oo uu tababar sare uga socdo dufcadii 1-aad ee Ciidanka Booliska Dowlad goboleedka

Galmudug oo dhan afar boqol oo askari.

Wafdigan oo uu madax u yahay Doel Mukerjee u qaybsanaha arrimaha ammniga iyo cadaalada ee UNDP waxaa dugsiga tababarka ku soo dhaweeyay ku simaha Wasiirka Wasaarada Ammniga Galmudug Abdullahi Ahmed Alasow Shiine, isagoo warbixin ka siiyey habka uu u socdo tababarkan oo ciidamadan loo furay horaantii bishan.

Mas’uuliyiinta ayaa soo indha-indheeyey qaab dhismeedka xerada, habka tababarka askarta iyo xirfada macafimiinta casharada bixinaya oo ay dhamaantood ku amaaneen wasaradda amniga Galmudug oo si weyn isugu duba-ridey.

 

 

 

 

 

Ad
Previous articleSheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxay dal Soomaali Badan lagu Dilay Walina lagu Dilaayo (Sawirro)
Next articleDEG DEG: Maamul Goboleedyada oo Xariirka u jaray Dowlada Federalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here