Home Wararka Caalamka Nin iyo Hooyadiis oo is waysanaa ku dhawaad 50 Sano(Sawiro) oo Dib...

Nin iyo Hooyadiis oo is waysanaa ku dhawaad 50 Sano(Sawiro) oo Dib isku Helay

0

Nin la sheegay inuu ka soo jeeda Eritrea oo ay kala lumeen hooyadiis isagoo ilmo yar ah, ayaa dib ula midoobay 47 sano ka dib.

“Waxaan maalin walba ku ducaysataa inaan mar uun la kulmo wiilkayga inta aanan dunida ka tagin” ayey tiri iyadoo qiiraysan Hooyadiis, Zenebech oo maalmo ka hor ka soo muuqatay TV-ga EBS ee dalka Ethiopia.

Waxaa xiligaas daawanayey Mussie Kahsay Tesfagergis oo si kadis ah talefanka uga soo wacay hooyadiis, isagoo ka ka dibna ka soo duulay Maraykanka oo uu degan yahay hooyadii oo ku nool Ethiopia ayuuna u soo jiheystay la kulankeeda.

Hooyada iyo wiilkeeda ayaa mar kale dib isugu bartay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen qoyska iyo TV ga EBS.wey isku dul baroorteen iyagoo laabta isku haya.

Mussie wuxuu sheegay in uusan si dhabah u xusuusan hooyadii, laakiin wajigeeda uu ka bartay masawiradeeda oo uu helay.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Ruushka Oo UKrain kala Jaray Amar Deg Deg ahna Ku Bixiyay in Ciidamao la Geeyo
Next articleGudiga Rasmiga ah ee Hormarinta Afsoomliga oo la Magaacabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here