Home Wararka Maanta Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo Xilka laga Qaaday

Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo Xilka laga Qaaday

0

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xilkii ka qaaday afhayeenkii ciidanka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali (Doodishe).

Taliyaha booliska ayaa afhayeenka cusub u magacaabay G/Sare Qaasim Axmed Rooble oo horay muddo dheer u soo hayey xilkaas.

Gashaanle Sadiiq Doodishe iyo afhayeenka cusub Qaasim Rooble ayaa Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inay ku kala wareegeen xafiiska.

“Shaqadii afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed waxaan hadda si rasmi ah ugu wareejiyey taliyaheyga G/Sare Qaasim Axmed Rooble, xafiiska afhayeenka oo muddo aan ku soo shaqeynayey waxaan galabta ku wareejiyey Korneyl Qaasim,” ayuu yiri Sadiiq Doodishe.

Dhankiisa afhayeenka cusub ee booliska ayaa hadlay, isagoo shaqadii uu soo qabtay uga mahadceliyey Doodishe, wuxuuna balanqaad u sameeyey dadka Soomaaliyeed ee adeega ka sugaya.

“Shaqo qurux badan oo meel dhexe mareysa ayuu igu wareejiyey afhayeenkii hore, waxaan leeyahay allaha kuu fududeeyo shaqada kale ee taliyaha booliska uu kuu igmaday,” ayuu yiri Qaasim Rooble oo aan shaacin shaqada kale ee loo dhiibay afhayeenka uu xilka kala wareegay.

G/Sare Qaasim ayaa balan-qaaday in umadda Soomaaliyeed uu ugu adeegi doono qalbi sami iyo hagar la’aan “gacmo wadajir ayey wax ku gooyaan aan is kaalmeysano, si daacad ahna ugu shaqeyno dadka iyo dalkeena,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee booliska Soomaaliya.

Qaasim Axmed Rooble ayaa markii labaad noqonaya Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, sanadihii 2017 ilaa 2019-kii ayuu soo ahaa afhayeenka booliska Soomaaliya.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Wali Qasaysaysa Hawada Soomaaliya iyo laba diyaarad oo ku sigtay inay isku dhacaan
Next articleCabdiraxiin Cabdulle Sheekh oo Sabab kaa Yaabinaysa Loogu dilay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here