Home Wararka Maanta DEG DEG: Ciidamada Gaashaan oo laga saaray Hotel Hayat iyo Haramcad oo...

DEG DEG: Ciidamada Gaashaan oo laga saaray Hotel Hayat iyo Haramcad oo la wareegay howlgalka(Sawiro)

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdsiho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu weli socdo howlgalka ka socday Hotel Xayaat oo ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayay in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab.

Sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen Caasimada Online, waxaa la toogtay illaa 2 kamid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab, waxaana hadda weli la rumeysan yahay inay gudaha ku jireen tiro kale oo aan la aqoon inta ay le’eg yihiin inkasta oo warar ay sheegayaan inay yihiin laba kale.

Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa soo bilowday xalay markii ay kooxda Al-Shabaab hotelka ku qabsadeen weerar ku bilowday qaraxyo is qarxin ah oo gaarayo illaa 3 qarax.

Meydad hor leh ayaa laga soo saaray gudaha Hotelka, waxaana jiro burbur xoog leh oo gaaray Hotelka iyo guryaha u dhow dhow.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaan, waxayna dhimashada ku dhowdahay illaa 20 halka uu dhaawaca kor usii dhaafayo 40.

 

 

Ad
Previous articleMuwaadin Soomaaliyeed oo 27 sano Dalka ka Maqnaa oo 3 Maalin Joogay oo ka Mid noqday Dadka ku Geeriyooday Hotel Xayaat
Next articleMadaxweynaha Dowladda Galmudug oo si rasmi ah u daahfuray Dhismaha Golaha Deeganka Dagmada Caabudwaaq(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here