Home Wararka Somaliya Madaxweyne Puntland oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Qoorqoor

Madaxweyne Puntland oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray Madaxweyne Qoorqoor

0

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad, wuxuu maanta furay Kalfadhigga -aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka  maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoonka Baarlamaanka, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiil Madaxtooyo iyo Marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimaha doorashooyinka Federaalka ee golaha Shacabka doorashooyinkii dhawaan ka dhacay degmooyinka mid ah.

Waxaa uu sidoo kale jawaabay si dad badan hadallo dhawaan Madaxweynaha Galmudug iyo Siyaasiyiin ay Puntland ugu eedeeyeen in ay taageerto Ururka Ahlusunna.

Deni waxaa uu sheegay in wax kasta oo amniga iyo horumarka dowlad Goboleedyada dalka lid ku ah ay sidoo kale lid ku tahay Puntland

“Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasillonid iyo horumarka Puntland” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ad
Previous articleSawiro: Madaxweyne Qoor Qoor oo Booqday Ciidanka Galmudug iyo Dowlada ee Ahlu-suna ka saaray Guriceel
Next articleTaliyaha Ciidanka xoogga Somaliya oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Guriceel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here