Home Wararka Somaliya Gobolka Gedo oo maanta la filayo in ay ka dhacaan Banaan-baxyo Xoogan

Gobolka Gedo oo maanta la filayo in ay ka dhacaan Banaan-baxyo Xoogan

0

Banaanbaxyadaan ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay ka dhacaan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay ku dhawaaqeen Madaxda Sare ee gobolka Gedo.

Banaanbaxyada ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in looga soo horjeedo in gobolka Gedo la hoosgeeyo Madaxweynaha Jubbaland, taas oo ay dhowr mar kasoo horjeesteen Maamulka gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya.

Meelaha baananbaxyada abaabulan ay Maanta ka dhacayaan ayaa waxaa kamid ah degmooyinka, Beled-Xaawo, Garbahaarey, Buurdhuubo, Doolow, Luuq Ganaane,  Baardheere & degaanka Bohol-garas.

Gobolka Gedo oo kamid ah degaannada Jubbaland ayaa haatan waxaa uu yahay caqabada koobaad ee heeysata howlaha doorashooyinka dalka, waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu dalbaday in maamulka Gobolka Gedo lagu soo wareejiyo, halka Madaxda dowladda ay taasi culeys ka keeneen, taas oo keentay in shirkii Dhuusamareeb lagu kala tego.

Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday Maamulka Jubbaland laguna taageerayay Dowladda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale degmada Beled-Xaawo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland.

Ad
Previous articleDhageyso:- Dowlada Somaliya oo Fashilka Shirka Dhuusomareeb ku eedeesay Dowladda Shisheeye
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here