Home Wararka caalamka Tirada Musharaxiinta Gobolada dhexe oo Sii Kordheysa ilaa 8 Musharax oo Ku...

Tirada Musharaxiinta Gobolada dhexe oo Sii Kordheysa ilaa 8 Musharax oo Ku Dhawaaqay ,,,Akhriso …

1

Tirada Musharaxiinta gobolada Dhexe Ayaa sii Kordheysa Tan iyo Markii lagu Dhawaaqay Maamul Guud oo laga Dhiso Gobolada Dhexe ee Dalka Somalia…

 

 

Musharixiinta ilaa iyo Hada isku Soo Sharaxay Xilka Qabashada Maamulka Gobolada Dhexe ayaa Gaaraya ilaa 8 Musharax Waxana Sii jira Kuwo ilaa iyo Hada Soo Gaarin Warbaahinta Somalida…

 

 

Sideeda Musharax ee ku Dhawaaqay Musharaxnimadooda Ayaa imaaneysa iyadoo ilaa iyo Hada La Shaacin Waqtiga Rasmiga ee la Qabandoono Doorashada Gobolada Dhexe ee Dhawaan Dhicidoonta,,,

 

 

 

Musharaxiinta Ayaa kala ah 1 Maxamed Daahir Muxumad 2 Cali Tooyo 3 Axmed Macalin Fiq 4 Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid 5  Cabdiraxman Diinaar 6  Cabdi Samad Nuur Guuleyd 7 bashiir aadan cali danan 8 Xasan Maxamed Nur Wana Kuwo Goob Fagaaro Ah kaga Dhawaaqay Musharaxnimadooda iyadoo Ay Jiraaan Musharixiin kale oo isasoo Sharaxay inkastoo Aysan Soo Gaarin Xafiiska Mudug24 ee Gaalkacyo.Cadaado iyo Muqdisho…

 

 

Sida Wararka ay Nugu Soo Gaarayaan Waxaa laga yaabaa in Musharaxiin kale ay isku soo Sharaxaan ilaa Maalinta ugu Danbeysa ee Qabashada Doorashada…

 

 

Sidee Arintan u Arkaan Bulshada

 

 

Bulshada Gobolada Dhexe Ayaa Qaarkood u Arka Hormar Wanaagsan Madama Halkii Qofka uu Awood Wax Ku Raadin Lahaa uu Taageero Wax ku Raadsho Halka Dadka Qaar ay aaminsanyihiin in Ay Tahay Xil Jecleysi Madama Aysan Maamulada kale Horay uga Dhicin,,,

 

 

 

Si kastaba Waa Markii ugu Horeysay ee Musharaxiin ugu Badan laga Dareemo Mid kamid ah Maamulada Dalka Tan iyo Markii Lagu Dhawaaqay Dhismaha Maamulada Laga Dhisayo Gobolada Dalka somalia..

 

 

 

 

 

 

Goor Dhow iyo Waxa uu Salka ku Hayo Musharaxiinta Badan

10 ku laabo mudug24 xiriir

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here