Home Wararka Maanta Maamulka Somaliland oo ka hortimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee Tiktok Telegram...

Maamulka Somaliland oo ka hortimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ee Tiktok Telegram iyo 1XBET

0

Somaliland ayaa ka hortimid go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday ee ay ku xidheyso qaar kamid ah baraha bulshada oo dadka Soomaaliyeed ay aad u isticmaalaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka lagu dheelo ee 1XBET, kadib go’aan ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Saddexdaan bar ayaa dorraad la go’aamiyey in dalka laga mamnuuco, inkastoo aan la shaacin goorta uu dhaqan gelayo amarka lagu xirayo isticmaalka aaladahaas.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi oo warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Hargeysa aya sheegay in go’aankaasi aanu Somaliland khusayn.

“Inama khusayso laba dal ayaynu kala nahay, oo midwalba ay dowladnimadiisu gaar u tahay markaa wax ina khuseeya maaha” ayuu wasiir Suufi u sheegay warbaahinta.

Somaliland ayaa hore ugu dhawaaqday inay xireyso aaladda khamaarka lagu dheelo ee 1XBET, laakiin waxay diidan tahay xidhida labada bar ee kale, kuwaasi oo ay dowladda federaalka sheegtay inay xireyso, taasi oo la ogeyn xilliga ay dhaqan-gal noqoneyso.

Go’aanka dowladda federaalka ayaa sidoo kale waxaa si adag uga horyimid dhalinyarada Soomaaliyeed ee baraha bulshada isticmaasha, gaar ahaan aalada TikTok, kuwaasi oo walaac ka muujiyay go’aanka dowladda federaalka.

“TikTok hadii la xidho banaanbaxyo waaweyn ayaa dhacaya, dowladu ma xidhi karto TikTok, dhalinyaro badan ayey nolol u tahay, arrintaas ma’ahan mid la aqbali karo,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi oo loo garan ogyahay madaxweynaha TikTok ayaa kaga fal-celiyay go’aanka dowladda federaalka ay ku xidheys bartaasi.

Isku soo wada duubo, waxaa isha lagu hayaa si dhow hadii ay dowladda fulin doonto amarkeeda iyo in ay wax iska badali doonaan, kadib qeylada kasoo yeertay bulshada isticmaasha barahaasi.

Aaladaha dalka laga mamnuucayo ee Internet-ka ayaa si weyn looga isticmaala gudaha Soomaaliya, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankaan markii uu ka soo baxay wasaaradda.

Ad
Previous articleXasan Cabdiraxmaan Indha-Yare oo Dhawaan Garoonka Adan Cadde ku Dilay nin Kenyaan ah oo Xukun Lagu Riday
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Huwanta oo Gaaray Duleedka Degmada Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here