Home Wararka caalamka Askari Shan Ruux ku Dhawacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir…

Askari Shan Ruux ku Dhawacay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir…

0

Mid ka mid ah Ciidamada Booliska ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa xilligii Salaadda Maqrib waxa uu shan ruux ku dhaawacay Degmadaasi.

 

 

 

 

 

 

Askariga oo la sheegay in uu soo cabay waxyaabaha maanka dooriga, ayaa dadkaasi ku dhaawacay Isgoyska Afar Irdoodka, ka gadaal markii uu rasaas aanu u meel deyin uu oodda kaga qaaday.

 

 

 

 

 

 

Dadkii ka badbaaday rasaastaasi ee wadada maraayay, ayaa gurmad u fidiyay shantii qof ee ku dhaawacantay shaqaaqadaasi, waxayna kula carareen goobaha caafimaadka ee Caasimada.

 

 

 

 

 

 

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir,  oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa ku waramaaya 5-ta qof ee dhaawacantay in mid ka mid ah ay ahayd haweeney

 

 

 

 

 

 

Ciidamada Booliska ee Degmada Xamar Weyne, ayaa waxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan askariga, waxaana la soo sheegayaa in lagu haayo Saldhiga Booliska ee Afar Irdood.

 

 

 

 

 

 

Goobjooge, ayaa sheegay in askarigu uu isku deyay in gacanta sharciga uu ka baxsado, laakiin taasi laga hor joogsaday.

 

 

 

 

 

 

Dhacdadaan, ayaa noqoneyso nooc ku cusub bulshada ku dhaqan Degmada Xamar Weyne, waxaana laga hadalhayaa xaafadaha ku dhow dhow Isgoyska Afar Irdoodka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here