Home Wararka caalamka Xaaladii u Danbeysay ee Qorshaha Maamul u Sameyta Galgaduud & Mudug…Faafaahin…

Xaaladii u Danbeysay ee Qorshaha Maamul u Sameyta Galgaduud & Mudug…Faafaahin…

2

Guddiga Farsamada Maamulka u sameynta Gobollada dhexe ayaa sheegay in ay Meel Wanaagsan u Mareyso Qorshaha Maamulka Loogu dhisayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

 

 

Guddigu waxaa uu sidoo kale iska Fogeeyay Eedeyn uu dhowaan u Jeediyay Musharraxa Madaxweyne ee Maamulka Halkaas loo sameynayo, Axmed Macalin Fiqi, taasoo ahayd in ay dhinac u Janjeeran, isla Markaana ay Musharixiinta qaarkood ay Dhabarka ka Riixayaan.

 

 

Afhayeenka Gudiga Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay in ugu Horeyn Aanay jirin wax Dhaliil ah oo ay leeyihiin, hadii ay Jirtana Musharaxa looga Baahnaa in wax uu Tirsanayo in uu iyaga Xiriir kala  lasoo Sameeyo.

 

 

Shirka Maamulka loogu Sameynayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa lagu wadaa in uu Magaalada Cadaado ka Furmo, Maalmo Kooban Kedib, Iyadoo ay Guddiga Maamulkaas Farsamada u qaabilsan ay Aaminsanyihiin in uu si Nabad iyo Cadaalad ah ku dhaco.

 

 

Musharraxiinta u taagan Qabashada Xilkaas ayaa Billaabay Ololaha ay dadka Gobolladaas uga dhaadhicinayaan sida ay u Hogaaminayaan Haddii la Doorto, waxaana ka mid ah Musharraxiinta ilaa hadda Labada Gobolba ka Billaabay Ololaha, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyo sidoo kale Axmed Macallin Fiqi, oo Goor aan sidaa u dheereyn ay soo Ifbaxday Musharraxnimadiisu.

10 ku laabo mudug24 xiriir

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here