Home Wararka caalamka Maamulka Ahlu=suna oo Sharuudo ku Xiray ku Biirista Dowlada Somalia …Sharuudaha Waxaa...

Maamulka Ahlu=suna oo Sharuudo ku Xiray ku Biirista Dowlada Somalia …Sharuudaha Waxaa kamid ah…

0

Maamulka degmada Guriceel ee DFS ayaa sheegay in Ahlu-sunna Waljamaaca ay Shuruud ku Xireen ka mid Noqoshadooda dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

Cabdulaahi Warsame Faarax oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Degmadaasi ayaa sheegay in Ahlu-sunna sheegtay in ilaa iyo Xilligaan aan laga soo Bixin Qodobo horay loogu Heshiiyay, iyaga oo Tilmaamay in ilaa inta Shuruudaha laga Fulinayo Aanay ka Laaban doonin Go’aankooda.

 

 

 

 

 

 

Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Dowladda ee Guriceel ayaa sheegay in Wafdi ka Socda Dowladda Federaalka ay u sheegeen Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna in Diyaar loola yahay Fulinta Heshiiskii hore iyo sidoo kale kuwa hadda la gali doono.

 

 

 

 

 

 

 

Shuruudaha ay Ahlu-sunna ku Xirtay ayaa waxaa ka mid ah, in Ciidamada Dowladda laga Saaro Fariisimihii Ahlu-sunna ay ku Lahayd Goobaha laga Qabsaday, sidoo kale waxaa ku jira in laga doonayo in ay Ciidamada DFS ogolaadaan in ay ka Baxaan Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel, si ugu yaraan loogu Heshiiyo in ay Labada dhinac isku dhinac wax u wadaan.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here