Cristiano Ronaldo ayaa loo doortay xidigii ugu fiicnaa Dunida sanadkii 2014, abaalmarinta Globe Soccer Award waxeyna taas u hogaamin kartaa inuu si sahal ah ugu guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or.
Ronaldo sanadkaan wuxuu u ahaa sanadkiisii ugu weynaa kubada cagta madama uu sameeyay waxqabad muuqda, dhigay rikoor cusub oo ah goolasha hal xili ciyaareed la dhaliyo tartanka Champions League isagoo dhaliyay 17-gool, sidoo kalana Real Madrid ayuu u hogaamiyay iney ku guuleysato koobkeedii 10-aad ee yurub.
Ronaldo dhawaan waxaa loo saadalinayaa inuu noqdo markii sadexaad xidiga ugu fiican dunida kuna guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or oo bisha January la bixin doono wuxuuna kula tartami doonaa Lionel Messi iyo Manuel Neuer.
Ronaldo ayaa ku faraxsan nolosha Los Blancos, wuxuuna qiray in La Decima ay u tahay waqti uu xusuusnaan doono in badan oo waayahiisa ka mid ah.
“Inaad ku guuleysato Abaalmarin waa farxada ugu weyn, waana ku faraxsanahay” Ayuu yiri Ronaldo oo ka hadlay xaflada.
Dhanka kale Real Madrid ayaa loo doortay kooxdii ugu fiicneed sanadka 2014, iyadoo ku garaacday abaalmarintaas kooxaha Juventus, Bayern Munich, Ajax iyo FC Basel.
Yarka Eskilstuna Luis Suares liked this on Facebook.